5 qodob oo sharci darro ka dhigaya habka xulista agaasimeyaasha ee uu wado Kheyre

Muqdisho (Caasimada Onlinen) – Sida aynu la wada socono waxaa dhacday in Raysul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu soo saaray wareegto qeexaysa in dhammaan Agaasimaha Guud iyo Xoghayaasha Joogtada ah loo galo tartan, wuxuuna magacaabay guddi heer Wasiirro ah iyo guddi farsamo oo ka tirsan xafiiskiisa.

Waxaa dad badan iswaydiinayaan arrintaan danta laga leeyahay, xog dheeraad ah markii aan raadinay waxaa noo soo baxay arrimaha hoos ku xusan:

1.Waa arrin khilaafsan sharciga shaqaalaha Rayidka oo qeexaya in guddiga shaqaalaha Rayidka kaliya uu qori karo shaqaalaha Dawladda. Waa arrin sharciga khilaafsan in xafiiskiisa R/W uu fuliyo arrin la xiriirta shaqaalaysiin.

2. Waxaa jirta in qayb ka mid ah Agaasimayaasha guud ama xoghayayaasha Joogtada ah ay haystaan Dikreeto madaxweyne, taas macneheedu yahay inaan R/W ka qaadi karin shaqada

3. Waxaa jira tuhun weyn oo ah in dadkii shaqada la siin lahaa horay loo qoray oo la yaqaan arrintaana ay tahay raad gafasho Shaqo loogu abuurayo saaxiibo siyaasadeed

4. Haddii ay Arrintu tahay kobcinta tayada shaqaalaha Rayidka ah waxaa tartanka lagu dari lahaa labada xafiis ee Madaxweynaha iyo Raysul Wasaaraha, sida ku cad qoraalka lagu xayeesiiyey labadaas xafiis waa laga reebay

5. Arrintaan waxay qayb ka noqonaysaa is barbaryaacii xukuumadda waayo haddii Wasiirro awalba horay shaqadooda iyo khibradooda loo dhaliilsanaa haddana la shaqaalaysiiyo Agaasime shaqada ku cusub, waxay la macne tahay curyaamin shaqadii Dawladda abuuray iyo wiiqid hawl-wadeenadii lafdhabarta u ahaa Wasaaradaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com