Keating oo magaca Somalia ku cunaya $3 bilyan iyo Kheyre oo u saxiixay

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobey waxaa ay sheegtay in ay u baahan tahay illaa $3 billion oo Dollar 4ta sano ee soo socota si ay barnaamijyo uga fuliso gudaha Soomaaliya.

Hadalka waxaa uu imaanayaa kadib heshiis dhanka horumarka ku saabsan oo talaadadii ay kala saxiixdeen, heshiiska waxaa uu socon-doonaa 4ta sano ee soo socota.

Ergeyga xogheyaha guud ee Soomaaliya Michael Keating waxaa uu sheegay in lacagtaas lagu qarash-gareyn-doono barnaamijyada ay wadaan 23 hey’adood oo Q.M mudada 4ta sano ee soo socota.

Michael Keating  waxaa uu sidoo kale intaasi ku daray in tani ay keeneyso in la mideeyo dadaallada iyo istaraatiijiyadda lagu xoojinayo sharciga, arrimaha doorashooyinka iyo hey’adaha dowliga ah ee Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobey waxaa lagu sheegay in hey’addan ay u baahan tahay $2.88 billion inta u dhaxeysa 2017-2020, taas oo la soo marsiinayo sanduuqa mashaariicda ee UNSF. Lacagta waxaa hadda la hayaa 40% halka ay 60% raadin u baahan tahay.

Heshiiskan dhanka dowladda waxaa u saxiixay ra’siul wasaare Xasan Kheyre iyo wasiirkiisa qorsheyna Jamaal Xasan,  waxaana la sheegay in wax looga qaban-doono 5 meel sida: Fedelism-ka, nabadda, cadaaladda iyo amniga, xoojinta hey’adaha madaniga ah iyo bulshada rayidka ah iyo in kor loo qaado heerka dhaqaale iyo fursadaha qofka.

Waxaa xusid mudan in saxiixa Kheyre uu ka dhigan yahay inuu Keating u xalaaleeyey in magaca Soomaaliya uu saddex bilyan oo dollar ku dhaco.

Kooxda QM ee Soomaaliya, marnaba wax la taaban karo oo ay u qabato umadda Soomaaliyeed ma jiraan, waxaana qarash kasta oo Soomaaliya ay kusoo qaadato uusan dhaafin xafiiskooda.

Waa ayaan darro in Soomaaliya qeyb ka noqoto mahsruuca kooxda Keating ee ku taajirka magaca umadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com