6 koox oo sheegatay iskuna haysata guul-darradii Faarax C/qaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Farxad, damaashaad iyo isu hambalyeyn ayaa hareysay inta badan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii la doortay Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka, lagana guuleystay musharixiinta Faarax Sheekh C/qaadir, C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi.

Dabaaldega iyo fantasyaha ayaa xalay oo dhan ka socday caasimadda iyo xarumaha kooxaha siyaasadeed ee doorashada, waxaana guuldarrada soo gaartay musharax Faarax Sheekh C/qaadir isku heysta ilaa lix kooxood oo kala ah:

XILDHIBAAN C/QAADIR COSOBLE: Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo u sharxan xilka madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka mid ahaa xubnaha ololah weyn u galay doorashadii shalay ee ka dhex muuqday hoolka shirka, wuxuuna kadib doorashada ku dooday inuu isagu qeybta ugu weyn ku lahaa in laga adkaado Faarax Sheekh C/qaadir, taasoo uu caddeeyay inay tijaabo u tahay isbedel ku yimaada hogaanka madaxweyne Xasan Sheekh

Kooxda Cosoble waxay ku dagaal degeen Hotel Naasahablood 1 oo xaruntoodu tahay, waxaana halkaasi ka muuqatay farxad aan la qiyaasi karin iyo reynreyn la isugu hambalyeetay jabkii Faarax Sheekh.

CADDOW CALI GEES: Xildhibaan Caddow Cali Gees oo ah ganacsade iyo musharax madaxweynaha oo ay jufo hoose wadaagaan Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka mid yahay dadka sheegtay guusha, waxaana dabaaldegiisa uu ka dhacay Hotel Peace 3 ee degmada Boondheere, iyadoo casumaad loo fidiyyay dad dhowr ah

Xildhibaanka Caddow Cali Gees waxay arrintan iska kaashadeen C/qaadir Cosoble iyo Xildhibaan Maxamed Abuurkar Islow (Ducaale) oo ololahooda ka dhex muuqday gudaha Baarlamaanka.

SHARIIF XASAN SHEEKH AADAN: Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo kooxdiisa waxay isu heystaan kooxda ugu awoodda badan gudaha Baarlamaanka, inkastoo jabkii kasoo gaaray taageeradii C/rashiid Xiddig ay madax xanuun ku riday, waxay  ku ciil baxeen guushii C/weli Muudey oo saaxiib dhow la ah Shariifka

Dabaaldeg iyo xaflad goor dambe la isku gaaray ayaa ka dhacday xarun ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho oo kooxda Shariif Xasan ay ka wadaa ololahooda doorashada, waxayna maanta iyo caawa sameyn doonaan xaflado kale oo awood muujin ah.

KHADIIJA MAXAMED DIIRIYE: Khadiija Maxamed Diiriye oo ka mid ahayd mushirixiinta tanaasulay waxay xalay koox fanaaniin ah ugu yeeratay hotelka ay degan tahay, halkaasoo xaflad cajiib ah oo music iyo cabitaanno aan caadi ahayn lagu dabaaldegay, waxayna aaminsan tahay in iyadu ay ahayd qofkii kala daadisay rajadii Faarax Sheekh C/qaadir, la’aanteedna aan laga adkaadeen

Sababta Khadiija ay sida weyn ugu mucaaraday Faarax C/qaadir ayaa la sheegay inay salka ku heyso arrimo shaqsi ah oo dhex maray oo ku saabsanaa musharaxnimadeeda iyadoo hore ka mid ahayd taageerayaasha madaxweyna Xasan Sheekh.

KOOXDA ISAAQ GROUP: Kooxda kale ee guuldarrada Faarax C/qaadir sheegtay inay ka danbeysay, isla markaana u xafladeysay waxay ahayd kooxda loo yaqaan Isaaq Group oo ay ka dhex muuqdaan Xildhibaanada Suuri Diiriye iyo Sugulle, kuwaasoo ku caweeyay Hotel Saxafi.

Kooxdan oo ay ka mid yihiin xildhibaano ka soo jeeda Dirta Waqooyi waxay ku kacsanaayeen Xasan Sheekh iyo Faarax C/qaadir.

MUSHARXIINTA MADAXWEYNAHA: Intaas oo dhan waxaa wehliya musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha oo farriimo isku dhaafsaday baraha bulshada ku xiriirto, kuwaaso farxad weyn ka qaaday doorashadii guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka, isla markaana saadaaliyay in Xasan Sheekh iyo saaxiibkiis aysan kala hari doonin.

Kooxaha kala duwan ee siyaasadeed waxaa kulmiyay hal hadaf oo ahaa inaysan soo noqon hogaanka dowladda Xasan Sheekh, waana halka laga yiraahdo Guushu waa dad badan tahay, guuldarraduna  waa Madi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com