27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Daawo: Aadan Madoobe oo si adag ugu jawaabay Jeesow “badbaado kaama rabo ee…”

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa maanta weerar afka ah ku qaaday guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe, iyagoo si toos ah isugu jawaabay, kadib markii ka hadalkii ajendaha uu ka noqday dood.

Xildhibaan Daahir Jeesow oo ka hadlayey sharci ay golaha horgeysay wasiir Khadiija Al-Makhzuumi ayaa sheegay in Aadan Madoobe uu wax kasta iska ansixinayo.

“Xukuumada hadey keento Sheekh Aadan Madoobe hala sumeeyo oo laguu keeno xitaa waa ansixinee, adigaa badbaado u baahan guddoomiye,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Jeesow.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo si toos ah ugu jawaabay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa yiri, “Xildhibaan Daahir adiga badbaado kaama rabee ajendaha ka hadal.”

Hadalkaan ayaa saameyn badan ku yeeshay baraha bulshada, xildhibaan Jeesow oo ku qoslay jawaabta guddoomiyaha ayaa sii watay doodiisa, wuxuuna Sheekh Aadan Madoobe iyo dhamaan xildhibaanada kale ku eedeeyey inay gacanta iska taagayaan oo ansixinayaan wax kasta oo loo keeno.

Sharciga la horkeenay golaha ee doodaan ay ka dhalatay ayaa ku saabsanaa xuquuqul insaanka, kaas oo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow uu dood ka qabay qodobo ka jira iyo cidda hor keentay golaha.

“Sharcigaan waxaa markii hore noo keentay wasaaradda arrimaha gudaha, waxaan marsiinay akhrinta koowaad, hadda waxaa nala yiri waxaa la wareegtay wasaaradda xuquuqul insaanka oo hadii aan wax ka weydiino aan waxaba nooga sheegi karin, maanta akhrinta 3-aad ayaan marsiinay, waxaa hartay ansixintii, goormaa laga bedelayaa qodobada aan soo jeedinay in la saxo?” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo u jawaabay ayaa sheegay in labada wasaaradood ay guddi isku dhaf ah u xil saareen diyaarinta sharcigaan, balse aysan jirin wasarado isku wareejiyey sharciga.

Hoos ka daawo

- Advertisement -

Read more

Local News