Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka ee NISA, ayaa soo saaray qoraal uu dhaweynayo go’aan ay xukuumadda Sacuudiga ku meelmarisay heshiiska labada dal ee la dagaalanka iyo maalgelinta Argagixisada.
“Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka golaha Wasiirada Xukuumadda Sacuudiga ay 20-kii bishan ku ansixiyeen heshiis iskaashi oo bishii Febraayo ay magaalada Jeddah ku kala saxiixdeen Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka
Soomaaliya iyo Hay’adda Nabadsugidda
Boqortooyada Sacuudiga,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
Heshiiskan ay NISA shaacisay ee golaha Wasiirada Sacuudiga ay ansixiyeen ayaa ku saabsan la dagaalanka Argagixisada iyo sidoo kale in dhanka maalgelinta lagala dagaalamo kooxaha argagixisada ah.
“Heshiiskaan wuxuu laf-dhabar u noqon doonaa dagaalka aan kula jirno Khawaarijta iyo ka hortagga dambiyada ka dhasha maalgelinta argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.
Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa si weyn xoogga u saaraya qorsheyaasha lagu dardargelinayo la dagaalanka Argagixisada, sida lagu cadeeyey war-saxaafadeedkaan.
“Qorshayaasha socda ayaa qayb ka ah dadaalka guud ee amniga iyo ciribtirka Khawaarijta ku howlan isku dayada lagu dhibaateynayo Shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay xafiiska Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA.
Taliyaha NISA ayaa ku sugan furimaha dagaalka ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ay maalmihii lasoo dhaafay jab culus ku gaarsiiyeen kooxaha argagixsada ah.