65: Muhiimadda nambarkan uu u leeyahay Xasan iyo sababta loo daahinayo doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in sababta loo dheereynayo doorashada aqalka hoose xubnaha kasoo horjeeda Madaxweyne Xasan Shiikh inay tahay iyada oo kooxda Damjadiid ay rabto marka hore inay xaqiijiyo ugu yaraan 65 xildhibaan oo iyaga ay leeyihiin oo soo gala aqalka hoose.

Xubin kamid ah guddiga doorashada dadban oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa u xaqiijiyay in guddoomiyaha guddiga uu ku amray xildhibaan Faarax Cabduqaadir in la seeta dheereeyo oo la daahiyo ilaa laga xaqiijinayo 65 mudane oo taageersan dib u doorashada Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud.

“Waxa ay is hortaageen doorashadii jowhar iyaga oo rabshad kiciyay, kadib markii ay u cadaatay in lagu jabiyay oo xildhibaan Cosoble uu soo baxay, ayna xaqiijiyeen in ergada beelaha Agoonyar iyo Owbakar Gaabane ay codkooda ugu shubi doonaan xildhibaanada Bashiir Caddow Dheere iyo Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale), Wasiirkii ay islahaayeen beelaha Jiidle waa ogolyihiina laga cod badiyay” ayuu yiri xubintaas ka tirsan guddiga doorashada dadban.

Waxa uu intaasi ku daray inay ka niyad jabeen ishortaagga xildhibaano ay kamid yihiin Shiikh Cabdulqaadir Cali Cumar iyo Caasha Xaaji Cilmi, islamarkaana ay maanka ku hayaan doorashooyinkii ka dhacay Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed in looga adkaadey intii badnayd xubnihii ay islahaayeen cod baad ka heleysaan.

Si kastaba siyaasiyiinta iyo qaar kamid ah musharaxiinta ayaa aaminsan bacdamaa laga adkaaday madaxtooyada inay waxkasta u sameyn karto oo dib u dhaca aakhirkana ay rabaan inay layimaadaan qorshe ah ma dhici karto doorasho xilligan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com