“72 sano Maraykanka kama shaqayn maslaxada dadka iyo dowladnimada Somalia”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aankii kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee lagu taageeray doorashadii ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee madaxweynaha Galmudug loogu doortay Axmed Qoor Qoor.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka aysan danta Soomaaliya ka shaqeyn 72-sano ee ugu dambeysay.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Xildhibaan Mahad kusoo qoray bartiisa Facebook:

1. 1948 markii Maraykanka uu yimid Soomaaliya wuxuu u ololeynayay in Soomaaliya gacantii gumeystaha Talyaaniga aysan ka bixin.

2. 1960 markii xorriyada aan qaadanay Soomaaliya wuxuu kala dagaalamay in ay dhisato ciidan qaran oo amnigeeda suga, xuduudaheedana ilaaliya, si Itoobiya u noqoto quwadda kaliya ee Geeska Afrika ka jirta. Waana sababtii Soomaaliya ku riixday in ay aado dhinacii Midowga Soviyeti.

3. 1977 markii dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya uu bilowday Maraykanka wuxuu ka shaqeeyay in khubaradii Ruushka ee gacan siinayay ciidamada Soomaaliya la cayriyo, si loo fashiliyo guulihii ciidamada Soomaaliya ka gaareen dagaalkii Itoobiya. Waana sababtii ugu wayneed ee horseeday guuldaradii Soomaaliya kasoo hoysay dagaalkaas, sababtoo Ruushka wuxuu hayay istaratiijiyada dagaal ee ciidamada Soomaaliya ku dagaal galayeen.

4. 1977 – 1990 guuldaradii dagaalkii Itoobiya laga dhexlay iyo jabhadihii ku kacay xukunkii Maxamed Siyaad Bare markii ay isbiirsadeen Maraykanka waxay Siyaad Bare siiyeen hubkii dadka iyo dowladnimada Soomaaliya lagu baabi’iyay. Shacabkii hubkaas lagu xasuuqay waxaa ka mid ahaa shacabka reer Somaliland.

5. 1991 Maraykanku wuxuu taageeray jabhadihii Soomaaliya qabsaday, si loo burburiyo intii ka hartay dowladnimada Soomaaliya, dalkiina cad-cad ayuu u qaybiyay.

6. 1992 – 1994 markii ciidamada Maraykanka yimaadeen gudaha Soomaaliya waxay ku dhex milmeen is riix-riixii qabiilada dhexdooda ahaa waxayna dagaal ay ku jabeen la galeen kacdoonkii uu hoggaaminayay AUN Gen. Maxamed Faarax Caydiid.

7. 1994 – 2009 mudadii u dhaxeysay Maraykanka waxay taageereen hoggaamiye kooxeedyadii Koonfurta Soomaaliya kajiray. Markii Maxkamadaha Islaamiga ah meesha ka saareena waxay ka shaqeeyeen in ciidamada Itoobiya ay soo galaan Soomaaliya lana dagaalamaan wadaadadii ka arriminayay Koonfurta Soomaaliya. Waxaana dagaalkaas ku naf waayay kumanaan Soomaali ah.

72 sanadood kadib maanta waad aragtaan siyaasada gurracan ee dowlada Maraykanka kula dhaqmayso guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug iyo gaboodfallada Safiirka Maraykanka Amb Donald Yamamoto ku gacan siinayo nidaamka Farmaajo ee Kaligii Taliska ah.

Ugu danbeyntii waxaan ugu baaqayaa dadka reer Galmudug in ay gacmaha isqabsadaan una midoobaan sidii ay uga hortagi lahaayeen siyaasada ma dhalayska ah ee Maraykanka hormuudka ka yahay ee lagula dagaalayo dadka reer Galmudug. Waanan ka guuleysanaynaa inshaa’allah sidii marar badan aan uga guuleysanay iyaga iyo kuwa ay ku shaqeystanba.

Mahadsanidiin.
Hon. Mahad Salad