Cida fududeysay baxsashada wasiir Janan oo la shaaciyey

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha ee Jubbaland ayaa markii ugu horreysay faah faahin ka bixisay baxsashadii wasiirkii hore ee amniga maamulkaasi, Cabdirashiid Xasan Nuur Janan oo muddo u xirnaa dowladda Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in baxsashada wasiirka ay fududeeyeen dhinacyo kala duwan, sida uu hadalka u dhigay.

Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa ka gaabsaday inuu shaaciyo magacyada xubnaha ka dambeeyey sii deynta wasiir Janan, balse wuxuu qiray inay jiraan saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya oo gacan weyn ka geystay arrintaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu u mahadcelinayo cid kasta oo ka qeyb qaadatay dadaalladaasi, islamarkaana garatay in si sharci darro ah lagu heystay mas’uulkaasi.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland oo wax laga weydiiyey inay ku lug lahaayeen fakashada Janan ayaa qiray inay madaxda sare ee dowlad goboleedka Jubbaland si aad ah uga shaqeyeen, ugu dambeyna ay ku guuleysteen dadaalkoodii.

Cabdirashiid Janan oo garoonka Aadan Cadde laga qabtay 31-kii August ee sanadkii hore ayaa tan markaasi Muqdisho ugu xirnaa dowladda, balse wuxuu Jimcihii isagoo baxsad ahaa doon ku tegay magaalada Kismaayo.

Si kastaba ha’ahaatee Janan ayaa haatan arrimo caafimaad u jooga magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya oo lagu geeyey diyaarad gaar ah oo aheyd nooca milatariga.