DF Soomaaliya oo maanta hub iyo ciidan dheeraad ah u daabushay gobolka Gedo

Luuq (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in hub iyo ciidan dheeraad ah ay saakay geysay degmada Luuq ee gobolka Gedo, halkaas oo muddooyinkii lasoo dhaafay ay dowladdu ka waday abaabullo ka dhan ah maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Jubbaland C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay ciidamo iyo hub ku daabuleyso Luuq, si ay colaad uga huriso deegaanada Gobolka Gedo.

Saakay ayaa waxaa la sheegay in dowladda Soomaaliya ay boqolaal ka mid ah ciidamada Booliska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Haramcad ay u daabushay degmada Luuq ee gobolka Gedo, kuwaas oo diyaarado looga qaaday garoonka Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada ay saldhigyo ka sameysteen degmada Luuq, sidoo kalena la filayo inay gaaraan degmada Doolow.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa maalmihii la soo dhaafay ka jiray Gobolka Gedo, iyadoo ay jireen Ciidamo laga qaaday Muqdisho.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo ka soo jeeda Gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay Gobolka ka hurineyso colaad, isla markaana ka digay in dagaal ka dhaco.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayeyso inay xoog u adeegsato Axmed Madoobe oo dib loogu doortay doorashadii dhawaan ka dhacday Magaalada Kismaayo, waxaana muuqato saasaan colaadeed.