Sawirro: Dibad-baxyo lagu taageerayey Qoor Qoor oo maanta ka dhacay Galmudug

 Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dibadbaxyo xoogan oo lagu taageerayey hoggaanka cusub ee Galmudug ayaa maanta ka dhacay deegaano ka tirsan maamulkaasi.

Banaanbaxyada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa si isku mid ah waxa ay uga dhaceen magaalooyinka Dhuusamareeb, Cadaado, Caabudwaaq iyo Gaalkacyo.

Boqolaal dadweyne ah oo taageersanaa doorashada hoggaanka cusub ee Galmudug ayaa isugu soo baxay wadooyinka waa weyn ee magaalooyinkaasi.

Sidoo kale dibadbaxayaasha oo watay boorar ay ku xardhan yihiin sawrirka madaxweynaha cusub ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo ku xigeenkiisa ayaa ku qeylinayey erayo ay ku soo dhoweynayaan mas’uuliyiintaasi.

Ammaanka ayaa sidoo kale si aad ah loo adkeeyey, waxaana goobaha ay ka dhaceen dibadbaxyada ku sugnaa ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug.

Doorashada dowlad goboleedka Galmudug oo muddo ku jirtay is jiid jiid siyaasadeed ayaa shalay la soo gabagabeeyey, waxaana Dhuusamareeb lagu doortay hoggaan cusub.