8 arrin oo SOMALIA ay uga mid noqon karto dalalka ugu horumarsan DUNIDA

Muddo dheer waxaan wax ka baarayay sababta dowladi u horumarto midna udib dhacdo, amaba waxyaabaha ugu muhiimsan ee kadanbeeya horumarkaas iyo sidoo kale habka ugu habboon ee dowlad ku horumarto, sidoo kale waxaan wax badan ka baadhay cawaamisha keenta horumar bulsho iyo mid dowladeed,haddaba somalia oo ah dal muddo dheer burbursan sidee unoqon karaa mid kamid ah dowladaha ugu horumarsan ee kuyaal dunida?.

Aniga oo ka jawaabaya su’aashaas, waxaan jeclahay in aan soo bandhigo marka hore muuqaal guud oo ah somalia caqabadaha haysta, fursadaha horyaalla, iyo xalka loo baahantahay.

Tobanaan cilmi baarayaal aduunka kazoo kala jeeda ayaa 20 kii sano ee ugu danbaysay ku ahaa  mashquul si ay wax uga ogaadaan sababaha keena horumar iyo dib-udhac dowlad ku yimaadda, gaar ahaan waxaa la ogaaday dowlado markoodii hore ahaa kuwo dib dhacsan oo waqti kooban kamid noqday mid kamid ah dowladaha ugu horumarsan dunida tusaale: Singapore, turkey, Malesia iyo IWM.

Waxaan kaga duwanahay dad badan oo waqti badan geliyay cilmi baaris kusaabsan kobaca iyo horumarka dowladaha, eray bixinta ah, dowlad horumarsan ama  dib-dhacsan waxaan aaminsanahay in lagu beddelo eray bixintaas maamul horumarsan ama maamul dib-dhacsan, ujeedkaas waxaa uu tilmaan uyahay in hormarku ama dib dhacsanaantu ay ka timaaddo cidda wax maamulaysa  hadii awood uu u yeesho hoggaanka maamulaya shirkadda,bulshada, amaba dowladda hab maamul wanaagsan oo leh hufnaan iyo isla xisaabtan wanaagsan waxaa uu horseedi karaa maamulkaas in uu soo saaro bulsho wacyigeedu sarreeyo oo leh  horumar dhaqaale, deganaanshiyo siyaasadeed, waxaan hubaa hadii lahelo tilmaamaha kor kuxusan in dalkaas gaari karo horumar lamid ah sida kuwa kale u horumareen, hadii xatooyo dhaqaale iyo musuq meesha yimaaddana wax walba afka ayay ciidda lagelayaan, waxaana luma markaas kalsoonida bulshada waxaa ay dareemaan bulshadu niyad jab “psychological defeat”.

Farqiga u dhexeeya dowlad horumartay iyo mid dib-dhacsan maaha yaraanta ilaha dhaqaalaha oo kaliya ee waa kumaamulida garaad aqoonaysan”Smart education” maamul wanaag ama maamul xumo jirta owgeed ayaa wax hagaajin karta ama wax xumayn karta, tusaale waxaa u ah dowladaha aan soo sheegay halka ay joogeen xilli dhow iyo maanta meesha ay gaareen.

United Nations Development Programme  waxaa jira halbeeg ama “standard” ay ku eegaan horumarka dowlad gaarto waxaana kamid ah.

– ka qayb galka muwaadinka  wax soosaarka dalka .
– Danaynta dowladda baxnaaninta caafimaad ee muwaadinkeeda iyo heerkiisa nololeed.
– Danaynta heerka wax barasho: “sida aan lasocono halbeegga wax barasho waa midka ugu muhiimsan oo laga eego bulsho ama dowlad horumarkeed ama dib dhacsanaanteeda, dalka somalia dowladdiisii dhexe markii ay burburtay wax walba waa ay laburbureen”.

Qodobbo aan u arko in ay kamaqan yihiin dowladnimada dalkeena somaliya, hadii ay innoo hagaagaanna ay kamid noqon karto mid kamid ah dowladaha ugu horumarsan dunida.

1.  Is dhaliilid nafteenna ah “Self criticism” waxaa waajib ah in aan is dhaliilno oo aan si hoose u eegno halka aan joogno, halka aan hiigsanaynana hoosta aan kaxaeiiqno su,aalana iska waydiino si aan horay ugu socono hadii heerkeenu hooseeyo sidii aan usii dar dargali lahayn.

2. Doonis “volition” Doonis  waa awoodda ugu wayn ee qof ama ummad haysato, ummad haysata Doonis majoojiso joogtaynta in ay raadiso waddada horumarka lagu gaaro ilaa ay u dhabowdo doonisteedu, taas beddelkeed ummada soomaaliyeed waddada horumarka ma eegaan ee iyagaa ayaa is eedeeya oo kaliya, waa inaan ogaanaa is eedayntu hadii ay badato waa tusaalaha dib dhacsanaan mid kamid ah.

3. Garaad aqoon leh ” Scientific mind” dhibkeena ugu wayn hadii aan soomaali nahay  ma aaminsanin in aqoon iyo garaad wax lagu gaaro, waxaanu nahay bulsho caadifadaysan “emotional society” waa in aan ogaanaa qofkii cilmi haysta waa horumaraa qofkii jahli hoy unoqdana waxaa uu ahaadaa mid dib dhacsan oo kabayra waddada guusha iyo hormarka, dhamaan dowladaha ahaa kuwo dib dhacsan ee manta hormarsan waxaa ay siiyeen mudnaanta waxbarashada.

4. Daganaashiyo siyaasadeed, “political stability” hoggaamiyaha bulshdiisa ku hogaamiya deganaashiyo siyaasadeed oo ay hoos imaanayaan cadaalad, deganaashiyo dhaqaale, sinaan, hufnaan, eex la,aan, awoodda hoggaamineed  aan lakeli noqon oo yeesha lataliyaal kuhaboon aqoona uleh waxa ay kala talinayaan, waxaa uu noqdaa mid bulshadiisa ku hoggaamiya waddada guusha oo ah mid lahubo halka ay tagayso oo ah horumar iyo barwaaqo sooran.

5. xoriyad “freedom” qof kastaa  waxaa uu   dhashay isaga oo xor ah, waana hibo ilaahay siiyay qof kasta, sidaa daraadeed cidina kama hor istaagi Karto, qof xor ahna ma aqbalo adoonsi iyo kelitalisnimo, sidaas awgeed ummadaha  xorta ah waa kuwo tiigsada hormar, ummada soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay isku tashato si ay oga xorowdo faragalin dabadeed oo lawadaagta siyaasadooda gudaha.

6. dhaqan galinta qaanuunka ” law enforcement” sarraynta sharciga lana dhaqan geliyaa una sinnaadaan dadku iyadoon lakala soocin waa qodobo kamid ah dowladnimo wanaaga iyo hufnaanta, waana waxa ay kugaari garto somalia horumar wanaagsan iyo cadaalad saraysa.

7. Shaqo “Job” bulshada soomaaliyeed dadkeedu ama xubneheeda shaqaalaha gaarka ah iyo kuwa dowladda oo si joogta ah u shaqeeya iyagoo kutiirsan naftooda iyo awooddooda, hankooduna sareeyo iyo ku kalsoonaanta dalkooda waxaa ay noqon kartaa markaa makaas somalia mid kamid noqota dowladaha  ugu horumarsan dunida, waxaa ayna si fudud u gaari kartaa barwaaqo sooran dhaqaale, bulsho iyo mid siyaasadeed.

8. Wadaniyad ” nationalism” wadaniyadu si guud marka loo eego waa dareen jacayl oo aad u qaado wadankaaga iyo adigoo lajeclaada wax kasta oo wanaag ah lana naca wax kasta oo aan u qalmin, waana tilmaan abtirsi dal iyo dad ama mid kamid ah labadaas .

Ugudanbayn Somalia waxaa ay u baahantahay isku kalsoonaan waxaa ayna ku gaari kartaa, isku tiirsanan dhaqaale si xal waara loogu helo daganaashiyo la,aanta iyo faragalinta siyaasadeed, qodobada aan kor kusoo xusay waa kuwa ugu muhiimsan oo aan is dhihi karo si guud waa kuwa kanoqo kara qayb samata bixinta  ummadeena soomaaliyeed iyo kuhorumarkeeda.

Abdiaziz Nur Abi Mohamed
Candidate PhD program faculty Economic and Social Studies department political science neelain university Sudan – khartoum.