9-ka koox ee hor-taagan nabadda Somalia (Kooxda 4: Qaswadeyaal & danleey)

Halkan ka aqriso qeybihii hore ee qormadan.

Qaswadeyaal iyo Danleey

Ilaa iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa dalka ku soo badanaayey kooxo qowleysteyaal ah oo ku baraaray burburka iyo dowlad la’aanta dalka ka jirtay. Kooxahaan ayaa waxaa ka mid ah ganacsato dhiig miirato ah oo ka ganacsato badeecooyin tayadoodu aad u hooseeyso, raashin iyo daawooyin dhacay oo halis galin kara caafimaadka iyo noloshada bulshada. Kooxaha qaswadeyaalka iyo danleeyda isugu jira ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah siyaasiyiin abuura isla markaana malaayiin doolar ka sameeya qaska iyo jahowareerka siyaasadeed ee ay wajahdo dowlad kasta oo dalkaan hogaankiisa qabatay. Waxay markasta abaabulaan ama hormuud ka noqdaan mooshin iyo falal kale oo aan u adeegeyn danta iyo maslaxadda ummadda.  Kooxdaan ayaa waxaa kaloo ka mid ah saaraakiil sare oo ka tirsan ciidanka qalabka sida kuwaas oo si fool xun u musuqmaasuqa mushaarka iyo saadka ciidanka. Arrintaan ayaa dowladda Soomaaliya ku noqotay canbaar wajiga ugu taal, iyadoo dowladdu inta badan ku tiirsan tahay taageero dalal shisheeye sida  Mareykan, Midoowga Yurub, Turkiga, Imaaraadka iyo dalal kale.  Dhowaan ayey ahayd markii dowladda Mareykanku ku dhawaaqday iney musuqmaasuqa jira awgiis u joojisay mushaarkii iyo saadka ay ku taageeri jirtay qaarka mid ah ciidamada qalabka sida. Waxaa iyaguna kooxda soo galaaya qaar ka mid mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha hay’adaha samafalka kuwaas oo si bareer ah u dhaca xoolaha loogu talogalay dadka masaakiinta ah ee aan is difaaci karin. Kooxdaan ayaan ka xishoon boobka iyo wax is dabamarinta ay ku sameeyna dhaqaalihii samafalka. Inkastoo ay jiraan dhibaatooyin badan, waxaan halkaan ku koobayaa kuwo ugu daran ee ay keeneen kooxdaha qaswadeyaalka iyo danleeyda ah.

  1. Degenaansho la’aan siyaaseed: waxaa caadi iska noqotay in mooshin iyo dowlad ridis ay tahay shaqo joogta ah oo ay qabtaan qaar ka tirsan siyaasiyiinta. Kooxdaan ayaa mooshinada u keena labo sababood. Waatan koowaade, in ay  helaan jago ama xil siyaasadeed oo weyn sida, ra’iisulwasaare, wasiir, guddoomiye baarlamaan IWM. Waatan labaade, in ay ka sammeeyaan dhaqaale aan loo soo dhididin oo layska gurto. Arrintaan ayaa waxay keentaa degenaansho la’aan siyaasadeed iyo hour-socod la’aan joogta.
  2. Musuqmaasuq: kooxdani waxay ku caan baxday boobka iyo in dowladnimada laga dhigto dukaan dhaqaale xaddhaaf ah lagu sammeeyo ama si dhaqso ah looga taajiro. Arrintaan ayaa keentay in hay’addaha dowladdu noqdaan kuwo magac u yaal ah oo aan looga baran wax qabad la taaban karo. Musuqmaasuqu wuxuu ka dhigaa dowladda mid uu dadku ka aamin baxo loona arko maqaaxi u shidan koox tuugo ah.
  3. Faragelin shisheeye: Kooxda qaswadka iyo daneeysiga ku caan baxday waxay fure u yihiin in dalku ka bixi waayo faragelin shisheeye ee dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga. Kooxahaan ayaa markasta waxay jecelyihiin in dalka ay hoos geeyaan dowladdo iyo hay’addo ay ka dhex arkaan dano yar-yar oo aan wax ku ool u ahayn ummada soomaaliyeed iyo dowladnimadeeda.
  4. Khatarro caafimaad: Danleeydu waxay ku howlan yihiin sidii ay u heli lahaayeen dhaqaale, laakiin marna damiirkoodu ma siiyo inay ka ganacsadaan wax ummadana u wanaagsan iyaguna ay faa’iido ka heli karaan. Kooxdan ayaan dan ka lahayn dhibaatooyinka caafimaad ee ay keenaan raashinka iyo daawooyinka dhacay iyo badeecadaha tayadoodu hooseeyso. Kooxdaan ayaa markasta ku mashquulsan sidii ay lacag u heli lahaayeen laakiin marna dan ka lahayn dhibaatooyinka ay keenaan iyo xalaalnimada waxa ay kasbadaan.
  5. Fowdo iyo Nidaam la’aan: maadaama ay ka taajireen ganacsi ku dhisan laaluush, boob iyo dhiigmiiradnimo, kooxdaani waxay inta badan ka cabsi qabtaa in haddii dowladnimo la helo aaney heleyn faa’iidooyinka ay kaga macaasheen maqnaanshaha iyo hooseeynta sharciga. Kooxdaan ayaa waxaa caado u ah inay is hortaagto wax kasta oo ay u aragto inaaney maslaxadooda iyo danahooda shaqsiga u wanaagsaneyn. Si ay danahood u fushadaan waxay markasta garaacaan durbaan qabiil iyagoo adeegsada kooxo wax magarato ah, kuwaasoo abuura falal qarbudaad ah oo keenaya amni daro iyo cabsi gelin.
  6. Jaasuusnimo: kooxdaan danleeyda ayaa waxay caan ku yihiin inay ku faanaan jaasuusnimo ay u sameeyaan dalal ama hay’addo ajnabi. Waxay mar kasta buunbuuniyaan dhibaatada dalka ka jirta iyo in soomaalida ay ka dhexjirto colaad aan la xalin Karin. Waxay markasta u gudbiyaan sir kasta oo dalku leeyahay dalalka kale, waxayna aaminsan yihiin in sida ugu fudud ee xil iyo mansab siyaasadeed ay ku heli lahaayeen ay tahay jaasuusnimo iyo in ay sheegaan ceebaha iyo cilladaha dalkooda iyo dadkooda…la soco qeybta xigta oo ku saabsan faragelin shisheeye, insha allah.

W/Q: Dr Cabdullaahi Maxamed Xersi (Qorax). Dr. Qorax, waa aqoonyahan ku takhasusay cilmiga nabadda iyo xalinta khilaafyada haystana shahaada PhD da. Wuxuu ku noolyahay magaaladda Nairobi, dalka KenyaEmail: abdullahi.qorah@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid