Doorashada madaxweyne ee Koonfur Galbeed oo Khilaaf cusub uu hareeyey

Baydhaba (Caasimada Online) – Doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa abuurtay Khilaaf iyo murun cusub oo ka dhex dhasha xildhibaanada baarlamaanka ee kasoo jeedaa deegaanadaasi.

Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa la kala saftay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan iyo dowladda Soomaaliya oo lagu tuhmayo inay musharax gaar ah wadato.

Maalmo ka hor xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo saxaafadda kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay taageero dhaqaalo iyo gaadiid ay siisay mid kamid ah musharixiinta ku sugan magaalada Baydhabo.

Sidoo kale xildhibaano u jawaabaya kuwa eedeeyay dowladda Soomaaliya oo saxaafada kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay been abuur tahay eedeymaha dhamaan ee loo jeediyay dowladda Soomaaliya.

Waxayna dalbadeen inaan la marin habaabin shacabka ku nool deegaanada Koonfur Galbeed, taasi oo muujisay in xildhibaano si Wadajir ah kaga tagay magaalada Muqdisho ay ku kala qeyb sameen arimaha doorashada Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada labada dhinac la kala saftay ka sokow, waxaa shaki badan uu ka dhashay gaadiidka Xabada aan karin oo la arkay isaga oo laga qaadayo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Bartamaha Bisha November waxaa magaalada Baydhabo ka dhaceyso sida qorshaha uu yahay doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed oo musharixiin badan ay u taagan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com