Dadkii ugu horreeyay ee K/Sudan laga soo daad gureeyey oo Xamar yimid

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa galabta soo gaaray 132 qof oo Soomaali ah kuwaasoo laga soo daad gureeyay dalka Koonfurta Sudan oo ay collaado ay ka alasoon tahay.

Dadkan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ka soo dajisay diyaarad ay dowladda Soomaaliya u kireysay, waxaana qaar kood oo saxaafadda la hadley ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan iyagoo nabad ah.

Waxa ay u mahadceliyeen dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aadan  oo iyadu mas’uul ka ahayd in dadkan laga soo daad gureeyo Koonfurta Sudan.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya iyo qaar ka mid xil dhibaannada baarlamaanka oo soo dhaweeyay dadka maanta soo gaaray Muqdisho ayaa sheegay in dhammaan dadka ku xayiran dalka Koonfurta Sudan la soo daad gureen doono.

Waxaa la filayaa in maalinta berri ah la soo qaado Soomaali kale oo ku go’doonsan dalka Koonfurta Sudan oo muddo ku dhow bil ay ka socdaan dagaallo sokeeye.

Waa tallaabadii ugu horreysay oo dowladda Soomaaliya ay ku soo daad gureeneyso muwaadiinta uga go’doon san dalka ugu cusub adduunka ee Koonfurta Sudan.

In kastoo waddamo badan markii collaada billaabatay ay la baxeen muwaadiniintooda oo diyaarado ay ku daad gureeyeen haddana waxaa tallaabo fiican in kastoo Soomaali badan ay ku go’doomeen dagaalada kuwa kalena ay ku dhinteen.

Waxaa kaloo jirrta in goobihii ganacsiga Soomaalida Koonfurta Sudan la boobay oo ay qaateen kooxaha ku dagaalamaya dalka Koonfurta Sudan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com