DHAGEYSO: Xildhibaan ku bixiyey xog ku saabsan sababaha diidan in golaha wasiirada cusub ee DF lagu dhowaaqo

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa laga sugayaa inuu soo dhiso golaha wasiirada Xukuumadiisa, waxaana dib u dhac uu ku yimid dhowrkii asbuuc ee lasoo dhaafay oo la dhowrayay in la shaaciyo golaha wasiirada.

Siyaasiga Cabdi Ibrahim Cabdi Barre oo kamid ahaa Xildhibaanadii baarlamankii KMG ahaa imikana ku sugan deegaanada Jubbooyinka ayaa ka hadlay arimaha dib u dhaca Xukuumadda isagoo arintaasi ku micneeyay inay tahay dhibaato ka haysata dhinaca Xisbiga Damuljadiid oo isagu la sheego inuu ka tirsan yahay Madaxwaynaha Soomaaliya iyo xubno kale oo Madaxtooyada awood ku leh.

Cabdi Barre ayaa sheegay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed inuu yahay shaqsi muddo badan dalka ka maqnaa una baahan inuu sameeyo la tashi si dadka Soomaaliyeed Xukuumad ay ku qanacsanyihiin loosoo dhiso. Balse wuxuu walaac ba’an ka muujiyay faragalin uu sheegay inay ku hayaan Siyaasiyiin miisaan ku leh xarunta Madaxtooyada.

“Waxaan isleeyahay dhibaatada dib u dhaca shaacin wasiirada keentay inay qayb ka tahay inuu Ra’iisul Wasaaruhu rabo beelaha Soomaaliyeed inuu qanciyo balse arinta xusida mudan waxay tahay dhinaca Xisbiga awooda badan ee Damu-jadiid cadaadiska uu kala kulmayo Ra’iisul Wasaaraha” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay Xildhibaanada barlamanka Soomaaliya dhawaan inay dalbadeen Xubnihii ku jiray Xukuumadii hore inaan lagu soo darin Wasiirada cusub taasoo horseedi karta inaysan helin kalsoonida Baarlamanka Soomaaliya hadii liiska Wasiirada lagu soo daro.

Sikastaba ha noqotee Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya ayaa xilka loo magacaabay 12-kii bishii December  kaddib markii kalsoonida ay kala laabteen Xildhibaanada baarlamanka Federaalka ah ee Soomaaliya Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo Xukuumadiisa lagu dhaliilay wax qabad la’aan baahsan.

Dhanka kale waxaa xusid muddan mudadii lagu jiray Khilaafka madaxda sare ee dowladda inay soo jeediyeen qaar kamid ah Wasiiradii xukuumadaasi imikana u hanqal taagaya inay kamid noqdaan Wasiirada cusub Saacid inay ka dalbadeen inuu iskaga dago xilka maadaama ay fashilmeen sida xiligaasi laga soo wariyay.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga

cabdi barre

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com