26 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

M/Afrika oo xaqiijiyay in dal cusub uu ku soo biirayo ciidamada Amisom

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War maanta ka soo baxay xafiiska Midowga Afrika ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in ciidamada Dowlada Itoobiya ay si rasmi ah ugu mid noqdeen ciidamada Midowga Afrika ee jooga Somalia.

Gudoomiyaha gudiga Amaanka Midowga Afrika Smal Chergui ayaa xaqiijiyay in ciidamada Itoobiya oo tiro gaareysa ilaa iyo 4,000 Askari lagu biiriyay ciidamada AMISOM .

Ciidamadaan ayaa hada waxa ay tiradooda gaareysaa ilaa iyo 18,000 kun waxaana la doonayaa in la gaarsiiyo ilaa iyo  22,000 kun si ay u sii xoojiyaan howlagalka lagu nabadeenaayo dalka Somalia.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxa ay qeyb ka noqonayaan dalalka ay hada ciidamadooda Somalia joogaan kuwaas oo kala ah Uganda, Burundi, Kenya, Djibouti iyo Sierra Leone waxaana hada ku soo biireysa dowlada Itoobiya.

Ciidamadaan ayaa lagu wadaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku soo gali doonaan dalka Somalia iyaga oo si toos ah u tagi doono Bay,Bakool iyo Gedo .

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News