GANACSADE caan ah oo galabta lagu dilay magaalada KISMAAYO (Warbixin

Kismaayo (Caasimada Online) Kooxo hubeysan ayaa galabta ku dilay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada ganacsade caan ah halkaas.

Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay meydka ganacsadaha la dilay in laga helay meel ku dhow xeebta Kismaayo, waxaana ku yaallay kordhiisa dhowr xabadood oo lagu dhuftay.

Dilka kaddib waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba, kuwaasoo howgallo ka wado xaafadaha magaalada Kismaayo.

Waa dilkii ugu dambeeyee ka dhacay magaalada Kismaayo toddobaadkan, habeen waxaa xaafadda Guul-Wade lagu dilay askari ka tirsan ciiidmaada maamulka Axmed Madoobe.

Ma cadda ilaa hadda cidda ka dambeesa dilalka qorsheesan ee maalmahan ka dhacay magaalada Kismaayo,

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com