Minneapolis (Caasimada Online) Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho laga furay xarun ay dadka ka qaataan warqadda aqoonsiga muwaadinka Soomaaliyeed.
Haddaba waxaa la isweydiin karaa sidda loogu qoro warqaddahaas magaca Soomaaliga.
Anwar Maxamed Diiriye waa qof wax badan ka qora Afsoomaaliga, wuxuu macalin barre ka yahay Jaamacadda Maryland ee dalka Maraykanka.
Isagoo la hadlaayay VOA ayaa wax laga weydiiyay bal sidda warqaddaha aqoonsiga loogu qoro magacyada.
Wuxuu sheegay in dal kasta uu ilaaloyo dhaqankiisa iyo sidda loo qor, laakin Soomaalida ay noqdeen dadka kaliye ee magacyadooda marka la qoraayo loo qoro qaab aan asal ahayn.
“Magacu waa summad; waa baadisooc; waa astaan wax kala hagta oo muujisa sida dad, dalal, dhulal & ashyaa’i u kala soocan yihiin.” ayuu yiri Anwar Maxamed Diiriye.
Wuxuu tusaale u soo qaatay Wacays, oo marka lagu qoraayo ID Card-ka uu u qoran yahay Wais, wuxuu eraygaas marka la joogo Israel uu u dhigmaa adoo lagu dhahay Eeyahow, ayuu yiri Anwar Maxamed.
“Nin macalin ka ah Jaamacad Marakanka ku taalla ayaan ku dhahay. ka waran haddii aan magacaaga u qoro Joon, wuxuu igu yiri waa qalad, markaas ayaan ku iri boqolaal Soomaali ah ayaa magacyadooda badashay, markaaas ayuu i dhahay waxaa tahay qofkii ugu horreeyay ee igaal doodda sidda loo qoro magacyada Soomaalida, hadda kaddib uma qori doono siddaas” ayuu yiri
Halkan ka eeg dhowr maga oo asal ah iyo sidda loo dhalanrogay
Muqdisho                                                                 Mogadisho
Gaalkacyo                                                                Galcio
Burco                                                                         Buro or Buroa
Hargeysa                                                                  Hargeisa
Wacays                                                                     Wais
Xalan                                                                         Halan
Qamar                                                                       Kamar
Xareedo                                                                    Haredo
Geelle                                                                        Guelleh
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Minneapolis
Minneapolis