Kismaayo (Caasimada Online) Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta oo Khamiis ah soo dhammeestiray xubnaha ka haray maamlkiisa.
Xubnaha la magacaabay waxaa ku jirra Cabdinaasir Seeraar Maax oo loo magacabaay afhayeenka maamulkaas, sidoo kale waxaa ka mid ah qof dumar ah iyo wasiiru ku xigeen iyo xubno kale ayaa la magacabaay.
Waxaa sidoo kale la magacaabay maamulka magaalada Kismaayo.
Haddaba nuqul ka mid ah dikreeto ka soo baxday xafiiska Axmed Madoobe oo la soo gaarsiiyay Caasimada Online halka hoose ka akhriso.
- Mudane Cali Maxamed Xaashi          Wasiir ku xigeenka Maaliyada, Daarood Laylkase
- Mudane C/rashiid Xasan Cabdinuur    Wasiir ku xigeenka Aimaha gudaha iyo Amniga, Mareexaan, Reex Axmed
- Mudane Cabdi Xuseen Cali              Wasiir ku xigeenka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamka, Ajuuraan
- Mudane Daahir C/qaadir Maxamed     Wasiir k Xigeenka beeraha, Xoolaha iyo Kaluumaysiga,  Digil iyo Mirifle
- Mudane Caydiid Saleebaan Xaashi      Wasiir ku xigeenka Caafimaadka, Dhulbahante
- Isaaq Muxumed Xasan                  Wasiir ku xigenka Garsoorka iyo Diinta, ? lama helin
- Geelle Muxumed Aadan                 Wasiir ku xigenka Gaadiidka iyo Boostada,  Ogaden
- Xasan Isxaaq Yacquub                  Wasiir ku xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha. ? lama helin
- Maxamed Nuur Buule                   Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Bay’ada,  Mareexaan.
Wasiiru dowlaha Arimaha Haweenka iyo Qoyska Qamar Deeq Xaaji Khaliif Ogaden Reer Cabdulle.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Kismaayo