Sawirro: Maxaa ka dhacay Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa galabta ka dhacay kulan aan caadi oo looga hadlay ammaanka sii xumaanaya ee caasimada

Kulanka oo xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia ka dhacay waxaa shir guddoominaayay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, waxaa kaloo ka qaybgalay guddoomiyaha gobalka Banaadir dhammaan guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir, taliyaasha ciidamada iyo wasiiro ka tirsan xukuumada oo la sheegay in ay la shaqeyn doonaan xubnaha kula joogay.

Markii uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda uga warbixiyay wax yaabaha looga hadlay kulanka, wasiirka arrimaha gudaha Cabdulaahi Goodax Barre.

Wuxuu sheegay in kulanka looga hadlay labo arrin oo kala ah:

1-Golaha wasiirada iyo guddoomiyaasha degmooyinka iyo taliyaasha ciidanka in ay isbartaan kaddibna ay kala qaataan waajibaadyo

2-Siddii looga shaqeyn lahaa ammaanka caasimada oo aysan u soo noqon lahayn weerarkii Jimcihii ka dhacay xarunta madaxtooyada iyo falalka ammaanka lidka ku ah ee ka dhaca caasimada.

“Caddowgu wuxuu soo weeraray goobtii astaanta u aheyd Qaranimada Soomaaliya ee madaxtooyada, Xukuumaduna waxay si deg deg ah uga bixin doontaa jawaab xanuujisa caddowga” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre.

IMG_0656

Ugu dambeyntiina, kulanka ayaa waxaa soo xiray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Cabdiweli Sheekh Axmed isaga oo faray dhamaamba hay’addaha amnigu inay si adag u wajahaan waajibaadkooda dhanka amniga ayna ka hortagaan fal kasta oo caddowgu ku doonayo inuu ku khal khalgeliyo amniga shacabka

Waa kulankii labaad oo ka dhacay xarunta Villa Somalia muddo 24-saac wax ka yer kaasoo looga hadlay ammaanka magaalada Muqdisho.

Magaalada waxaa kaloo maanta ka dhacay bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo Al-Shabaa, waxaana ka qaybgalay ra’iisal wasaaraha iyo qaar ka mid ah golaha wasiirkada.

Waxaa kaloo la xiray qaar ka mid waddooyinka caasimada, iyadoo Hotelada qaar ay dhagxaan dhigteen waddooyinka mara.

IMG_06981

IMG_06691

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com