Somalia iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis Millitari oo muhiim ah maanta

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa maanta oo Khamiis ah kala saxiixday heshiis dhinaca millitariga ku tacaluqa,kaasoo Turkiga uu ku oggolaa day in ay tababbar siiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo in ay dhisaan xarumaha ciidamada dowladda ee burburay dagaalladii sokeeye ee dalka halakeeyay.

Dhinaca Soomaaliya waxaa u saxiixay heshiiska Taliyaha ciidamada millitariga Soomaaliyeed Gen Daahir Aadan Cilmi (Indho-Qarshe) iyo saraakil sar sare oo ka socday dowladda.

“Sidda ku qoran heshiiska, Turkiga wuxuu si buuxda u dhisi doonaa xarumaha ciidamada ee Soomaaliya ku yaalla, Tallaabadan oo qayb ka ah Barnaamijyo ballaaran oo lagu caawinaayo ciidamada Millitariga Soomaaliya,” Gen Indho-Qarshe ayaa siddaas u sheegay Warbaahinta maanta oo Khamiis ah.

2014227635291080580749917turkey somaliWuxuu kaloo Gen Daahir Aadan Cimi in Khubaro ka socday millitariga Soomaaliya iyo Turkiga ay ku tababbarri doonaan ciidamada dowladda gudaha dalka, isagoonta in ay soo dhammaan doonto ciidamo dibedda lagu soo tababbarro.

“Heshiisan fursad weyn u yahay ciidamada Soomaaliya. Haddii ay ahaan lahayd, Tayo, Awood iyo Khibrad waxaan u mahad celineynaa Turkiga, Dowladda Maraykanka iyo Midowga Yurub kuwaasoo sii wada taageerada ay na siinayaan,”ayuu yiri Gen Indho-Qarshe.

Madaxa ugu sareeya Turkiga waaxda gaashandhigga, General Hamdi Arguu, displayed ayaa soo bandhigay qorsha ay damacsan yihiim.

Wuxuu sheegay in goobaha ay dhisayaan ay ku jirto xerada ciidamada Hiil Weyne oo noqon doonto goob lagu tababbarro ciidamada militaroga Soomaaliya.

Xaruntan ayaa ku taalla waqooyi-bari Muqdisho.

Sidda laga soo xigtay General Hamdi Arguu, in ka badan 40-khubaro millitari oo ka socda Turkiga ayaa Soomaaliya tagi doona iyagoona tababbar siin doona xubno ka tirsan ciidamada Cirka, Dhulka iyo Kuwa Badda.

Si kastaba, Turkiga tan iyo sannadkii 2011-ka xilligaas oo abaaro ba’an ay ka dilaaceen Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxa ay Soomaaliya ka sameeyeen mashruucyo fara badan oo ah xagga horrumarka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Ankara

Caasimada@live.com