Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa u soo jeediyey Madaxda dowladda (Madaxweynaha, Guddoomiyaha baarlamaanka & R/wasaaraha) in aysan waxba ka soo qaadin, qoraal la sheegay in xubnaha dowladda kaga jira Puntland & Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ay u gudbiyeen Madaxda sare ee dowladda, iyaga oo kaga cabanaya in Puntland ay hal wasiir oo kaliya ay ka helaan xukuumadda.
Wuxuu xildhibaankani sheegay in beesha Puntland degan ay la mid tahay beelaha kale ee Soomaalida, haddii wasiiradda iyaga loo kordhiyana ay beelaha kale xaq u yeelanayaan iyagana in loo kordhiyo.
Xildhibaan Ilyaas Cali, oo ka soo jeeda Hiiraan wuxuu sheegay in Madaxda Puntland ay caadeysteen in mar walba ay doca-doceeyaan madaxda dowladda, iyaga oo aaminsan in qeyla-dhaantaasi ay wax un ku helayaan, wuxuuna ku ammaanay Madaxweynaha dowladda Federaalka Xassan Shiikh siyaasadiisa ku wajahan Puntland.
“Hiiraan meeqo qabiil ayaa ku nool, dhowr iyo toban qabiil waa dagan yihiin, shacabka degan Hiiraan waxey ku soo laban-laabmaan inta Puntland ku nool, haddii Puntland wasiiradda loo kordhiyo, shacabka Hiiraan iyagana waa in loo kordhiyaa, hadalka ka soo yeeray Puntland waxaan u arkaa inuu yahay sed bursi“ ayuu yiri xildhibaan Ilyaas, wuxuuna intaa ku daray in xubnaha qoraalka soo gudbiyey ay sheegeen oo keliya halka wasiir ee ka soo jeeda Bari in ay saluugsan yihiin, taasina ay muujineyso in Puntland oo markii hore ku af-gaboodsaneysay in ay ka kooban tahay beelo kala duwan in hadda cidda wax raadsaneysa ay tahay beesha Majeerteen.
“Ma fahmin waxa ay cabashadooda ku saleysan tahay. Ma waxey leeyihiin beelaha kale ee Soomaaliyeed ayaan ka Soomaali-sannahay.? Mise waxeey rabaan sed aysan laheyn inay boobaan. Puntland waa maamul maamulada kale ee Soomaalida la mid ah, waxaanna leeyahay dowladda ka daaya fadqalada“ ayuu yiri xildhibaanka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]