Wafdi ka socda DF Somalia oo dhowr cisho ku xayiran garoonka Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in garoonka diyaaradaha magaalada in ay ku xayiran yihiin saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.

Korneel Maxamed Cabdulaahi Buule oo hor kacaya saraakiisha ciidamada ee ku xayiran garoonka diyaaradah Kismaayo ayaa sheegay in halkaas ay ugu xayiran yihiin ciidamada Kenya oo gacanta ku heysa Kismaayo.

Mar la weydiiyay waxyaabaha ay u socdaan oo u tagayaan Kismaayo, wuxuu sheegay in ay ka mid ahaayeen ciidamo fara badan oo laga daad gureeyay Kismaayo dhowr bilood ka hor oo la geeyay bannaanka Magaalada, balse markii ay ogaadeen in xaalada deeganka la geeyay tahay mid aan la isku haleen karin in ay go’aansadeen in ay ku soo laabtaan magaalada Kismaayo.

“Annaga waxaa muddo dhowr cisho u xayiranahay ciidamada Kenya ee ku sugan Garoonka Kismaayo, oo na leh magaalada ma gali kartaan, mana aqaano wax yaabaha arrintan keentay” ayuu yiri Korneel Maxamed Cabdulaahi Buule.

Wuxuu kaloo Korneelka uu dhaliiyay dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in ay dayacday ciidamada dowladda ee ku sugan Jubbooyinka sidda uu hadalka u dhigay.

“Dowladdii aan ka tirsaneen waataas uu taliyihii ciidamada Gen Indho Qarshe uu ceyriyay askartii wax gunno ah nama siinayaan siddaas oo ay tahay” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay wax ka qabato tacadiyada loo geesanaayo ciidamada uu hoggaamiyo Korneelka haddii dalka ay dowlad ka dhisan tahay.

Dhinaca kale,qabanqaabada wejiga labaad ee shirka dib-u heshiisiinta beelaha Jubbooyinka ayaa ka socota magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Abaabulka madax-dhaqameedyada iyo ergooyinka ka qeyb-galaya shirka ayaa ka socda xarunta madaxtooyada ee magaalada Kismaayo, sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com