CIIDAMO hoos-taggaya QM oo ku soo wajahan MAGAALADA MUQDISHO

Kampala (Caasimada Online) Sidda ay qoreen  Jaraa’idka ka soo baxa dalka Uganda, waxaa lagu wadaa in 410 oo askari kana socda dalka Uganda oo ku hawlgali doona Ilaalada QM in loo wado Soomaaliya gaar ahaan Caasimada oo maalimihii dambe ammaaanka uu faraha ka baxay.

Afhayeen u hadlay ciidamada Uganda Col. Paddy Ankunda, ayaa maanta sheegay in Ciidamadaan ay noqonayaan noocoodii ugu horeeyay, oo loo daabulo Magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in ciidamadan aaney ku biiri doonin howgalka Midowga Afrika ee AMISOM, laakiin ay hoostaggi doonaan Taliska AMISOM ee Xalane.

Mar uu ka hadlaayay wax yaabaha sababay in ciidamadan loo daad gureeyo Soomaaliya, ayaa wuxuu ku sheegay dalab kaga yimaaday dhinaca dowladda Soomaaliya.

Sarkaalkaan, ayaa xusay in dalabkaan uu ka dambeeyay markii weerar ismiidaamin ah uu Khamiistii ka dhacay maqaaxi ku taala wadada Fiat, oo ku dhow hey’adda sirdoonka Soomaaliya.

Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamada ugu badan ee ka qayb qaadanaya howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kampala

Caasimada@live.com