Ganacsade Soomaali oo caan ahaa oo lagu dilay dalka Kenya (Warbixin)

Mombasa (Caasimada Online) Kooxo hubeysan ayaa ku dulay magaalada Mombasa ee dalka Kenya ganacsade caan ah oo si weyn looga yaqaano Soomaaliya.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Xuseen Kasoow, waxaa lagu dhex dilay dukaan dahab lagu iibiyo oo uu ku lee yahay magaalada Mombasa, waxaana la sheegay in kooxda dilka geestay in ay rabeen in ay dhacaan dukaanka siddaas waxaa VOA u xaqiijiyay wiil u dhalay oo lagu magacaabo Yuusuf Xuseen Kasow.

Wuxuu sheegay in waxbo aaney ka dhicin dukaanka ragga dilay aabihiis.

Markii uu dilka dhacay, waxaa goobta soo gaaray ciidamo boolis ah kuwaasoo kabillaabay goobta baaritaan.

Allaha ha u naxariisto marxuum Xuseen Kasow ayaa horrey dukaamo lagu iibiyo ku lahaa magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Xamarweyne.

Waar markii labaad oo la soo weerarro dukaanka marxuumka afar sanno ka hor ayaa siddan oo kale loo soo weerarray in kastoo uu xilligaas uu ka maqnaa dukaanka sidda uu sheegay wiilkiisa.

Mombasa waxaa ku nool Soomaali badan kuwasoo halkaas ku leh ganacsiyo waaweyn.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com