Dhageyso: Somaliland oo ciidamo soo dirtay iyo xiisad kordheysa ayaga & P/L

Laascaanood (Caasimada Online) – Ciidamo faro badan oo ka socda mamulka Somaliland ayaa maalmihii ugu danbeeyay kusoo qul-qulayay deegaano ka tirsan Gobalka Sanaag, waxana arrintaasi ka hadlay wasiirka warfaafinta Puntland.

Cabdiwali Xirsi Indhoguran oo la hadlay VOA ayaa sheegay inay ka xun yihiin ciidamadaan ka socda Somaliland ee soo gaaray qaybo ka mid ah magalada Baran ee xarunta Gobalka Sanaag wuxuna muujiyay inay tahay dhibaato hor leh.

Wasiirka ayaa sheegay horay inay uga hadleen socdaal uu madaxwaynaha Somaliland Siilaanyo ku tagay todobaadki hore magalada Laasqoray ee Gobalka Sanaag ayna wadaan wax uu ugu yeeray dhul balaarsi aan loo dulqaadan doonin.

”Gobaladda Sool iyo Sanaag Shirkii Somaliland lagu abuuray kama qayb galay, laakiin Puntland way ka dhisteen Isimadooda oo dhan gobalka Sool 13-Isin buu lee yahay dhamaan way joogeen dhismihii Puntland, sidoo kale Sanag PL bay wax ka dhisteen” ayuu yiri wasiirka.

Docda kale, wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Buureed ayaa sheegay dhulka ay ciidanku tageen iyo magalada Laasqorayba inay ka wada tirsan yihiin mamulka Somaliland oo aan wax dhibaato ah lahayn.

Ciidankan Baran duleedkeeda tagay ayuu ku sheegay Buureed inuu yahay kuwo tababar soo dhamaystay oo dib ugu laabtay meeshii ay joogeen.

”Ciidankan la geeyay Baran ma ahan mid cusub waa ciidan horay saldhig ugu lahaa,annagu mar kasta wanaaga iyo inaan la isku xad gudbin baanu soo dhawaynaynaa, sida aad la socotaan juquraafiyan waa dhul Somaliland ka tirsan wayna jirtaa in Puntland ay dhinac ka sheegato”Wasiir Baaruud ayaa yiri.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya ciidankan inay qaarkood soo galeen magalada Baran balse aysan wax dhibaato ah ka samayn walow mamulka Gobalka Sanaag uusan wali arrintaasi ka hadlin.

Halkan ka dhageyso labada wasiir

Caasimada Online
Xafiiska Laascaanood
Caasimada@live.com