QM oo ka digtay dagaal PUNTLAND iyo Somaliland ka dhex qarxa (Warbixin)

Addis Ababa (Caasimada Online)-Ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ka hadlay xiisad ka aloosan maamulada Somaliland iyo Puntland.

Isagoo ka hadlaayay danjire shir ka dhacay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay xiisada ka taagan deeganno ay isku heestaan Somaliland iyo Puntland, kuwaasoo ku yaalla gobalada Sanaag, Sool iyo Ceyn.

Mr Key ayaa u sheegay madaxda joogtay shirka guddiga nabadgalyada iyo amamanka Midowga Afrika in uu ka walaacsan yahay xiisada ka aloosan labada maamul.

Danjire Key oo ka hadlay xiisada ka taagan Somaliland iyo Puntland
Danjire Key oo ka hadlay xiisada ka taagan Somaliland iyo Puntland

‘’ Waxaan ka walaacsanahay xiisada miliateri ee u dhaxeysa Somalilad iyo Puntland ee gobolada Sool iyo Sanaag, waxaana ugu baaqayaa dhinacyadaas in ay deganaansho abuuraan lagana hortag wax kasta oo ka dagaal oo hor soodi kara,’’ ayuu ku yiri Mr Keny.

Danjire Key ayaa sidoo kale labada dhinac ugu baaqay in ay miiska wadahadalka ku dhammeesyaan wax kasta oo muran ah intii ay dagaallami la haayeen oo shacab masaakiin ay ku baabi’ lahaayeen.

Xiisada ka dhex taagan maamulada Puntland iyo Somaliland, ayaa salka ku heysa markii toddobaadkii horre madaxweynaha Soomaalilad uu si kadis ah ku tagay deeganno ay ku muransan yihiin labada maamul.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com