Iscasilaada Xasan oo laga tanaasulayo iyo qorshe cusub oo la keenay (XOG)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo kala duwan ayaa noo sheegay in ay jiraan isbadal la rabo in lagu sameeyo golaha wasiirradda xukuumadda Soomaaliya, si meesha looga saaro dalabka is-casilaadda ee xildhibaanno ka tirsan baarlamanka ay u jeediyeen madaxweynaha

Muxuu yahay qorshaha socda?

Waxaa la ogaaday in uu jiro qorshe is-beddel xooggan loogu sameenaayo  hey’adda fulinta oo ah gollaha wasiirrada.

Sidda ay lee yihiin ilaha warkan noo sheegay waxaa laga yaabaa in isbadal uu ku dhaco wasiiradda ammaanka iyo garsoorka Cabdikariin Xuseel Guuleed iyo Faarax Sheekh Cabduqaadi oo ah labada garab ee madaxweynaha, inkasta oo ay macquul tahay in Guuleed un uu is-beddelka saameeyo oo Faarax sii joogo, maadaama wasaaradda amniga dhaliilo badan loo jeediyey.

Maxa yihii xildhibaannada baaqa is-casilaada madaxweynaha u soo jeediyay?

Xildhibaannada madaxweynaha ku kacsan yahay waa ay kala qaybsan yihiin kuwa waa kuwisii meesha ka saaray xukuumadii horre ee Saacid, oo waxa ay doonayaan in xil laga siiyo xukuumadda cusub ee Cabdiweli, kuwa waa kuwa ka soo horjeeday in meesha laga saaro xukuumadii horre,waxaa kaloo ku jirra kuwa qaswadayaal ah oo ku shaqeeya uun lacag.

Haddaba si loo qanciyo baahiyaha ay lee yihiin xildhibaannadan waa in ugu yaraan uu dhacaa isbadal meesha ka saari kara in madaxweynaha xilka laga tuuro loona qanciyo xildhibaannada qaylo dhaaminaya, sida ilo-wareedyada ay lee yihiin.

Beesha caalamka door intee la eg ayey ku lee dahay arrintan?

Qorshahan oo ah mid aan weli la isku raacin, balse lasoo jeediyay, ayaa waxaa gadaal riixaya xafiiska Nicholas Kay, balse madaxweynaha waa ka caga jiidayaa, isaga oo aminsan in xildhibaanada mucaaradka uu ka guuleysan karo.

Beesha caalamka aad ayey uga xuntahay khilaafka cusub ee soo baxay, waayo iyagu waxa ay lee yihiin dowladda muddo sannad iyo bar ayaa ka soo luntay oo sannadkan 2014-ka hala qabto shaqadii la rabay in la qabto saanadkii hore, sidaa darteedna madaxweyne is-casilaa xal kuma jiro.

Beesha caalamku waa tan dhaqaalah ugu badan siisa dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana ay rabtaa in sannadka marka uu yahay 2016-ka in doorasho ay ka dhacdo Soomaaliya oo dhan.

La arki doonee isbadalka dhaca maalmaha soo socda, maadama ay soo korartay siyaasad cusub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com