Xildhibaanno ka tirsan BF oo muujiyey hadal geesinimo leh kaddib markii..

Dal madax banan oo Qaran ah oo leh Barlamaan Madaxwayne iyo Calan u gaara in beesha caalamku ay siday doonto u Mamusho ma saxbaa? mise waa inay beesha caalamku ku qadariso kuna ictiraanto arrimaha hoose dadka dalkaas iska leh Soomaaliya hadii in yar oo khilaafa soo kala dhex galo hay,yadaha dawligaa waxaa Markiiba saxaafadda la hadla beesha caalamka Soomaaliya ma beesha caalamka ayaa iska leh mise Soomaali ayaa iska leh hadal ka soo yeeray qayb kamida Golaha shacbiga Soomaaliya wuxuu ahaa mid geesinimo ah.

Tan iyo markii ay meesha ka baxday dawladii dhexe ee Soomaaliya waxaa magac soomaaliya ku hadlaa Beesha Caalamka taas oo noqotay inaan Soomaaliya danteeda katashan karayn iyo in wakiil laga noqdo Jamuuriyadii Soomaaliya taas oo niyaad jab ku noqotay shacabka Soomaaliyeed.

Aduunka Soomaaliya oo kaliya Dawlad kama bur-burin ee waxaa dhibkaan oo kale uu soo maray Dawladdo badan laakiin magac qaranimo iyo danta hoose ee lama tabtaankaa lama faro gashaan waa dawlada bur-buray ee caalamka ka jiray laakiin Soomaaliya waxay gaartay heer xitaa in beesha Caalamku shir u qabato mooyee aan Soomaalidu shiri karayn taas oo beesha caalamu Soomaaliya ku sifayso dad aan talo isku imaan karayn inay yihiin Soomaalidu xitaa hadii aan ka baxnay ku meel gaarkii beesha caalamku wili ma wakiil ayey naga tahay?.

Soomaalidu waxay .gaartay heer dhammaan hay,yadaha dawligaa ay Mushaarka ka sugaan beesha caalamka iyo Qaramada midoobay taas oo keentay bahdil ku wajahan inaan mas,uuliyiinta Soomaaliyeed aysaan ka hadli karayn wixii xun ee beesha caalmku ku tilmaanto Soomaaliya ayada oo laga baqaayo in laga jaro deeqda la siiyo hay,yadda Dawligaa ee Soomaaliya.

27 May ama maajo 2014 “Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay waxay ad ugu dheeradeen in loo baahan yahay in Hay,ayadda fedearalka ee Soomaaliya ay sameyeen horu socod ayna soo dhawaynayaan isbadalka uu Madaxwaynuhuu ku dhawaaqay taas oo micnaheedu yahay waa in xukumadda isku shaandhayn laku sameeyo ama is badaal lagu sameyo xukumadda.

Waxaa arrintaan ka hadlay Xildhibaano Soomaaliyeed kuwaas oo sheegay Soomaaliya inay tahay qaran Madax banaan wixii talo fiican iyo caawina ay ku amanayaan beesha caalamka laakiin arrimaha gudaha Soomaaliya aan beesha caalamku fara gashaan wixii khilaafaada oo hoosana ay Soomaalida u taal wixii aan uga maarmi wayno beesha caalamka waa in Soomalidu u gudbisaa laakiin wax walba hadii beesha caalamku faraha la gasho taas micnaheedu waa inan qaran Soomaaliyeed jirin.

Hadalkaas ka soo yeeray qayb kamida Golaha Barlamaanka ee Dawladda Federalkaa ee Soomaaliya waa hadal ku haboonaa halkii loogu talo galay ka ra,yi ahaan aniga waayo mas,uuliyinta Soomaaliya waxay aminsan yihiin inaan beesha caalamka la dhihi karayn war waxaas waanagu khaldan yihiin ee beesha caalamku ha naga dayso taas oo micnaheedu yahay in wixii ladoono Soomaaliya lagu sifeeyo ama lagu tilmaamo.

Ugu dabayntii Soomaalidu waxay ku mahmahdaa (waa baahanahay baqtiga Looma cuno) oo an ula jeedo beesha caalamka wixii ay ku saxan tahay ama ay nagu caawinayso waan uga mahad celinayna laakiin wixii ay nooga khal dan yihiin waa in looga hadlaa sida ku haboon waana ku mahad san yihiin Xildhibaanadda ka hadlay fara galinta hoose ee beesha caalamku ku hayso hay,addaha Dawligaa ee Soomaaliya.

W/Q: Cabdinuur Faarax Maxamud
guuleed72@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid