25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Sawirro: Maleeshiyada Axmed Madobe oo weeraray guriga ganacsade caana iyo beesha Majeerteen oo ka qeylisay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Maleeshiyada Maamulka Kmg ah ee Jubba, ayaa waxaa lagu eedeeyay inay si ula kac ah rasaas oodda kaga qaadeen guri uu Magaalada Kismaayo ku lee yahay ganacsade Xaaji Saciid Ciise, oo ka mid ah ganacsatada sida weyn looga garanaayo Magaalada Kismaayo.

Maleeshiyada Jubba oo Isniintii Magaalada Kismaayo qaab beeleed ugula dagaalay maleeshiyada Beesha Majeerteen, ayaa waxaa la soo sheegayaa in maleeshiyadii ay la dagaalamayeen ay guryaha u galeen dhismahaasi, dabadeedna ay rasaas oodda kaga qaadeen, iyagoo dibadda ka joogga dhismahaasi.

Xilligii ay rasaasta la dhacayeen dhismahaasi, ayaa waxaa ku sugnaa dad ehelo la ah Xaaji Saciid Ciise, oo isugu jiray caruur, ciroole iyo dumarba, waxayna halkaasi ku dileen 2 ruux, halka 3 kalana ay ku dhaawaceen.

Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Beelaha Harti oo kulamo ku yeeshay Magaalada Kismaayo, ayaa waxay si adag ugu dhaliileen Maleeshiyada Maamulka Jubba, oo ay ku eedeeyeen inay dadku ula dhaqmayaan si ka baxsan aadanaha.

Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Harti, ayaa dareensan in maleeshiyada Ururka Raaskambooni ay u dhaqmayaan si khilaafsan Sharciga, iyagoona ku dhaliilay inaanay lahayn wax dulqaad ah.

Ciidanka Axmed Madoobe, ayaa waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inay bililiqo ka geysteen Xaafada Calanley, sida Hotel Qiil Mawaaye, goobo ganacsi oo ku yaal Suuq Yaraha iyo guryo ay agabyo ka qaateen.

Maleeshiyadii Beesha Majeerteen ee ka dagaalameysay Magaalada Kismaayo, oo dagaal dhinaca koonfureed ee Kismaayo looga saaray, ayaa waxay ka biyo diideen inay si nabadgelyo leh dib ugu soo laabtaan Kismaayo.












Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News