PUNTLAND oo si rasmi ah u iclaamisay dagaal ka dhana maamulka Somaliland

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa markii ugu horreeysey si rasmi ah sheegtey inay la-dagaallami doonto ciidamada Somaliland ee dhaq-dhaqaaqyada ka wada deegaannada lagu murun san yahay ee Sool iyo Sanaag.

Warkan waxaa shaaca ka qaaday wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland, Axmad Cilmi Cismaan (Axmad Karaasha) oo shalay booqdey deegaanka Tukaraq oo ay ku sugan-yihiin ciidamada Puntland, waxaana socdalka  ku waheliyey  wasiirka Beeraha Cabdi ismacil Boos iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Puntland.

“Waxaan u sheegaya shacabka Puntland dalkiini baa la soo galay inbadana waad daawaneysen, dowladduna dib uma daawaneyso, shacabka waxaan ka rajeynaya inay kacaan oo ay dhulkoodii soo ceshadaan, dagaalna aan qaadno” ayuu yiri Axmed Karaash.

Waxaa kalo uu wasiirku farey dadka degga gobollada SSC ee laga heysto deegaannada inay si deg deg ah uga jawaaban ciidamada Somaliland ee ku soo duuley, sida uu sheegay wasiir Karaash.

“Waxii dhexdeena ah ee jira dib ayaan u dhiganeyna, balse dadka degga gobollada SSC waxaan ugu baaqeyna inay iguna kacaan oo ay u diyaar garooban si ay isaga dhiciyaan cadowga ku soo duley, kana qeyb galaan dagaalka” ayuu ku darey hadalkiisa wasiir Axmed Karaash.

Axmad Karaasha waxaa uu ku booriyey ciidamada uu shalay booqdey isaga iyo waftigii waheliyey shaqada ay hayaan, waxuuna sheegay inay xilli walba diyaar noqdan si ay u difaacan dhulkooda, sida uu sheegay.

Xildhibaannada ciidanka booqdey oo kala ahaa:- Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad, Xildibaan Cali Dhagacade iyo Xildhibaan Kayse Cali Boob ayaa iyaguna waxaa ay si guud ugu hadleen mowqifka Puntland ee kaga aadan dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan ciidamada Somaliland, waxaana ay sheegen inay xilligaan Puntland diyaar u tahay inay jawaab ka bixiso wax ay ku sheegen [Xad-gudub].

Halkan hoose ka dhageys hadallada ay jeediyen xildhibaannada iyo wasiirrada Puntland

Hadalka Puntland waxaa uu ku soo aadaya xilli dhawaanahanba ay ciidamada Soomaaliland soo gaarayen deegaannada xadduuda ku yaalla,waxaana maalmo ka hor degmada Taleex qabsadey ciidamo ka tirsan Soomaaliland, balse xilligaan Puntland waxaa ay sheegtey inay ciidankoodu u diyaar garoobeen sidii jawaab ay u bixin lahaayeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com