26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Sawirro: Nuur Cade oo Xamar iskeenay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa maanta ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxaa garoonka ku soo dhaweeyay madax ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mustaf Sheekh Xasan Dhuxulow iyo dadweyne fara badan.

Wuxuu la hadlay saxaafadda isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay imaashiyaha uu yimid magaalada Muqdisho.

Nuur Cadde oo sidoo kale soo noqday safiirka Yurub u fadhiya dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uusan xilligan diyaar u ahayn in dagaallo kale oo ka dhaca,

Wuxuu sheegay oo kale in imaatinkiisa uu ku soo beegmay iyadoo ay soo dhowdahay bisha Ramadaan oo dhowr cisho ay ka harsan yihiin.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday in ay is caawiyaan inta lagu guda jirro bisha Ramadaan oo ah bil faa’ido badan ay ku jiraan.

Mar la weydiiyay wax yaabaha uu Muqdisho u yimid wuxuu ka dhawaajiyay in uu magaalada u yimid siddii uu u arki lahaa horrumarka ka socda magaalada Muqdisaho.

Nuur Cadde ayaa ra’iisal wasaare ka soo noqday dowladii KMG ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa allaha ha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Yuufuf Axmed.

cadde 1cadde 2cadde 3cadde 4cadde 5

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News