R/W Cabdi Weli oo u jawaabay Goodax

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka hadlay hadal uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha iyo arrimaha fedaraalka oo qaadacay heshiis labada maamul ee koonfur galbeed ku yeesheen labo cisho ka hor magaalada Muqdisho.

Ra’iisal wasaaraha oo saxaafadda kula hadlaayay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in uu san jirin wax khilaaf ah oo kala dhexeeya isaga wasiirka arrimaha gudaha iyo fedaraalka Cabdullaahi Goodax Barre isagoona intaas ku daray in wixii madmadow ee jirra la xallin doono.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ku celiyay in xukuumadda ay dhaweneyso heshiiska Muqdisho ay ku gaareen labada maamul ee koonfur galbeed, wuxuuna sheegay in heshiiskaas uu horseed u noqono doono siddii maamulkaas uu qabsan lahaa arrimaha laga sugaayay, haddii kale isqabqabsi iyo muran ayuu ku dhammaan doonaa” ayuu yiri.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadiisa ay diyaar u tahay in ay kala hadasho cid kasta oo ka soo horjeeda heshiiska lagu mideeyay labada maamul ee koonfur galbeed.

“Waxaa jirta in dad kale oo dadkeena ka mid ah in ay qabaan in laga tagay ama aan laga qeybgalin dowladda waxay diyaar u tahay in la hadasho annaiga waxaa noo dan ah iyagoo isku calool fayow iyo annagoo horrey u socona oo aan wax la qeybsano dowladaha kale” ayuu yiri ra’iisal wasaaraha Soomaaliya .

Hadalkan ayuu ra’iisal wasaaraha jeediyay isagoo u socday dalka Equatorial Guinea , halkaasoo uu uga qeybgali doono shirka madaxda Midowga Afrika ay ku lee yihiin

Si kastaba, wasiirka arrimaha gudaha Cabdullaahi Goodax Barre ayaa shaley warbaahinta u sheegay in heshiiska lagu mideeyay labada maamul uu ahaa mid aan waa faqsaneen dastuurka isla markaana aan lala socodsiin wasaaradiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com