Xog: Xasan Sheekh oo xil ka qaadis ku sammeenaya saraakiil ciidan oo uu ka mid yahay taliyaha ciidamada xoogga

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar la isku haleen karo oo aan ka helnay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, ayaa u sheegay Caasimada Online in madaxweynaha uu xilka ka qaadayo taliyaha ciidamada xoogga Jenaraal Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) iyo abaandulaha ciidamada xoogga Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi .

Ilaha aan warkan ka helnay ayaa noo sheegay in madaxweynaha uu xilalkaas u magacaabayo saraakiil kale, waxaana taliyaha ciidamada xooggan loo magacaabayaa Jenaraal Cabdulaahi Cali Caanood oo horrey u ahaa taliyaha Gaaska kowaad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed halka uu madaxweynaha u magacaabay abaan duulaha ciidanka Cabdullaahi Cali Cageey oo horrey u ahaa taliyaha gaaska labaad ee ciidamada Milateriga dowladda.

Si dhab ah looma oga sababaha madaxweynaha uu badalayo labadan sarkaalkan, balse waxaa soo batay dhaleeceenta loo jeedinaayo Indha Qarshe iyo Cabdirisaaq Khhaliif Cilmi, taasoo ay ugu horreeyso markii taliyaha ciidamada xoogga uu xilka ka ceyriyay in ka badan 900 oo saraakiil iyo askar ciidan isugu jirta.

Si kastaba, dhawaan ayaa la filayaa in uu madaxweynaha si dhab ah ugu dhawaaqo labada Jenaraal ee uu magacaabay iyo kuwii uu xilka ka qaaday.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo dhawaan uuu madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in uu sameen doono isbadal xooggan kaddin markii aammaanka magaalada Muqdisho uu fashil ku yimid, waxaana arrintaas isku casilay wasiirkii horre ee arrimaha ammaanka Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com