Xasan Sh oo fariin u diray Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Maxammuud ayaa shacabka iyo maamulka Somaliland ka codsaday in ay iska ilaawaan wixii dhibaato ah oo loo geestay intii dalka ay ka jirtay dowladii kacaanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in lama huraan ay tahay in Soomaalida ay midoobaan oo la soo celiyo siddii Soomaaliya ay ahayd sannadkii 1960-edkii oo ay ahayd markii ay israaceen gobalada waqooyi iyo koonfur.

Madaxweynaha oo xaley ka hadlaayay xaflad ka dhacday dugsiga booliska ee Jeneraal Kaahiye ayaa dadka reer Hargeysa salaan u diray wuxuuna ugu hambalyeeyay in Hargeysa ay noqotay meeshii ugu horreysay ee laga suray calanka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dadka Soomaalida aaney kala maarmin meel kasta oo ay joogaan loona baahan yahay in wax kasta oo soo kala gaaray ay iska cafiyaan.

Ra’iisal wasaare ku-xigeen ahna wasiirka diinta iyo awqaafta xukuumadda Soomaaliya, Ridwaan Xirsi Maxamed oo isna ka soo jeeda gobalada waqooyi ee la baxay Somaliland ayaa sheegay in Soomaalida aaney kala maarmin loona baahan yahay in wax kasta oo soo kala gaaray iska cafiyaan si markale loo midoobo.

26-June sanandkii 1960-kii waa markii ugu horreysay oo calan Soomaali ay lee dahay laga taagay gobalada Waqooyi, balse maamulka Somaliland maalintan qiimo siddaas u buuran uguma fadhido oo waxay ka jecelyihiin oo ay ka doorbideenn 18-ka May oo ah markii ay ku dhawaaqeen in ay ka go’een Somaliweyn balse waxaa sheegis midan tan iyo xilligaas ma helin wax ictiraaf ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com