XOG: XASAN iyo Cabdi Weli oo 1-1 kala maraya (KHILAAF cusub oo soo baxay)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu jirro is-maan dhaaf ka dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha kaasoo soo shaac baxay markii dhawaan ra’iisal wasaaraha uu xilalkii ka eryay taliyihii ciidanka booliska iyo agaasimihii hey’adda nabad sugida isla markaana uu magacaabay taliyaal cusub.

Arrintan ayaa u muuqatay tallaabo looga jawaabayo weerarkii 8-dii bishan lagu qaaday xarunta looga arrimiyo dalka ee Villa Somalia.

Haddaba halkee ay wax iska qaban la’yihiin?

Markii uu dhacay weerarkii madaxtooyada waxaa isla subixi xigtay xafiiska ra’iisal wasaaraha ka soo baxday wareegto ay ku qoran tahay in shaqada laga eryay taliyihii ciidanka booliska iyo aggaasimihii hey’adda sirdoonka isla markaana la magacaabay taliyaal cusub iyo wasiirka ammaanka oo muddo labo bil xilkiisa uu banaanaa Kaddib markii wasiirkii horre uu isku casilay weerarkii 24-kii bishii May lagu qaaday xarunta baarlamaanka.

Markii uu intaas ra’iisal wasaaraha magacaabay, waxaa isla maalintaas dhacday in uu madaxweynaha magacaabay agaasimaha hey’adda nabad sugida oo wuxuu u magacaabay Cabdullaahi Maxamed Sambaloolshe, oo ahaa safiirkii Soomaaliya ee UK, sidoo kale Sambaloolshe wuxuu wasiir ka soo noqday dowladihii KMG ee dalka soo maray.

Magacaabistan dambe ee Sambaloolshe ma ahayn mid uu la socday ra’iisal wasaaraha oo waxaa magacaabay madaxweynaha, mana cadda in uu madaxweynaha go’aanka kaligiis qaatay ama uu la socday wasiirka koowaad, hase yeeshee waxaa warbaahinta loo sheegay inuu Cabdi Weli magacaabay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay inuu wato taliyaha cusub ee booliiska oo ay isku reer yihiin, halka madaxweynahana uu ka wato Sanbalooshe, oo abti ugu aadan, sidaasna ay 1-1 ku kala yihiin.

Haddaba xeel dheerayaasha siyaasadda waxay lee yihiin waxaa muuqata is-maandhaaf ka dhexeeya labada nin haddiiba ay siddaas wax u dhaceen.

Ra’iisal wasaaraha tallaabada uu qaaday ee uu shaqada uga eryay taliyaasha booliska iyo sirdoonka waa mid uu ku degdegtay awoodiisana ma ahayn.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ma ahan wax ugub ku ah is-qabqabsiga madaxda oo waxaaba xilkiisa siddaas horrey ugu waayay ra’iisal wasaarihii hore ee Saacid.

Waxaa kaloo sheegis mudan in cayaarta ka socota Villa Somalia ay dusha kala socdaan golaha sharci dajinta oo ah baarlamaanka.

Soomaaliya oo ku soo jirtay 23-sanno colaado ayaa weli waxaa heesata caqabado waaweyn oo ah xagga ammaanka iyadoona uu jirro khilaaf xagga qabiilka ah oo ku aadan sidda lagu dhaqan galinaayo nidaamka fedaraalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com