Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho lagu dilay Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.
Xildhibaanada ayaa waxaa dilay Kooxo Bastoolado ku hubeysnaa oo la socday gaari nooca raaxada ah, waxaana la sheegayaa inay ku fureen Rasaas, halkaasina ay ku geeriyootay Xildhibaanada.
Dilka Xildhibaanada, ayaa waxa uu ka dhacay meel ku dhow Hotel Ambassador, oo ku yaala Xaafada Taleex, kuna dhow Wadada Maka Al-mukarama, waxaana dilka kadib halkaasi ka baxsaday Kooxdii dilka geystay.
Dilka Xildhibaanada ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo Madaxweynaha Dowlada Somalia uu ku baaqay inay socodka yareeyaan Xildhibaanada,waxa uuna imaanayaa iyadoo maalinimadii shalay Magaalada Muqdisho lagu soo xiray fadhigii 4-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com