Muqdisho (Caasimada Onine) – Dr. Burhaan Cali Faarax oo ka mid ah ergadii ka qeybgashay shirkii lagu go’aamiyey in Gobolada Galguduud iyo Mudug loo sameeyo Maamul, ayaa sheegay in qeyla-dhaanta ka soo yeertay Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/weli Gaas in aysan ka niyad jabin doonin ka mira dhalintooda in Goboladaasi ay maamul yeeshaan.
“Puntland waxa ay diidan tahay ma ahan maamulka meesha ka soo baxay, ee waxey diidan tahay Dekadda Hobyo ka furmeysa. Puntland waxey afduub ku haysataa ganacsiga Gobolada dhexe iyo Gobolada Bartamaha Soomaaliya, haddii la furo Dekadda Hobyo waxaas oo idil meesha waa ay ka baxayaan” Ayuu yiri Burhaan.
Waxa uu intaasi sii raaciyey in shacabka ku dhaqan Galguduud iyo Mudug iyo waxgaradkooda looga baahan yahay in ay fahmaan in dantoodu ku jirto in ay helaan nabad iyo nolol, si himiladaasi loo gaarana ay lagama maarmaan tahay in ay si wadajir ah ay wax wada qabsadaan.
“Puntland waxaa muuqata in ay ka shaqeynayaan tooda oo keliya, ayna doonayaan in ay Dekadaha Boosaaso iyo Kismaayo keliya ay shaqeeyaan. Iyaga ayaa markii hore dadka ku sanduleynayey in ay qaataan Federaal, aakhirkii waxaa soo bixi doonto in ay dhahaan Federaal ma rabno, sababtu waxeey tahay; adigu waxaad dooneysaa in aad isku darsato wixii aad xaqa u laheyd iyo wax aadan xaq u laheyn, haddii ay Soomaalinimadu dhab kaa tahay waa inaad walaalkaa kale u quurtaa waxa aad naftaada la jeceshahay” Ayuu yiri Burhaan.
Waxa kale oo sheegay in ilaa intii la aasaasay Puntland in 70% (Boqolkiiba toddobaatan) dhaqaalaha Puntland soo gala inuu ka yimaado Ganacsiga badda ee kaga yimaada dhanka Gobolada Koofurta, haddii Dekadda Hobyo la furo waxaa dhaceysa in Ganacsigaasi uu daciifo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]