DF oo qorshe u degtay xildhibaannada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xog ogaal oo ka tirsan xafiiska wasiirka amniga xukuumadda ayaa u sheegay Caasimada Online in wasiir Khaliif Axmed Irig uu ciidaan gaar ah u sameeyay xildhibaannada baarlamaanka kuwaasoo waardiyeeya kaddib markii sannadkan oo kaliya la dilay ilaa shan mudane.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in wasaaradda ammaanka xukuumadda ay qorshahaas hordhigtay wasaaradda gaashandhigga oo loo sheegay in ay soo dhiibto ciidan iyo hub la siiyo xildhibaannada baarlamaanka.

Xildhibaan kasta ayaa loo qoondeeyay ilaa seddax askari oo wata qoryaha fudud ee AK47 iyo rasaas ku filan siddaas waxaa noo sheegay ilaha warkan aan ka soo xiganay.

Arrintan ayaa daba socota markii shaley wasiirka ammaanka iyo guddiga amniga ee xildhibaannada baarlamaanka ay kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho iyagoona ka hadlay sida loo ilaalin karoo ammaanka mudanayaasha baarlamaanka.

Dhinaca kale, guddoomiye ku-xigeenka guddiga ammaanka ee baarlamaanka, Daahir Amiin Jeesow ayaa ka dhawaajiyay in wixii hadda ka dambeeya xildhibaannada baarlamaanka aaney socon doonin iyagoo wadanin ilaalo, wuxuuna sheegay xildhibaannada baarlamaanka in ay is-hubeyn doonin si ay isaga celiyaan kooxaha nabad diidka ah.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmahan ku soo badanayay dilalka xildhibaannada waxaana ugu dambeyeya Sheekh Aadan Madeer oo ahaa guddoomiyihihii guddiga maaliyada ee baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com