Muqdisho (Caasimada Online) – Asbuucyadii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka waxaa ka dhacay Howlgalo loogu wan-qalay Hub ka dhigis, kaasi oo lagu sameeyay Siyaasiyiin kasoo jeeda Beelaha Hawiye oo iyagu dhaliilsan qaabka uu Dalka u maamulaayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.
Haddaba Howlgaladaasi Hub ka dhigista ah, ayaa waxaa si daran u dhaliilay Beelaha Hawiye gaar ahaan Beesha Murusade iyo Abgaal oo iyagu Tilmaamay inuu Howlgalku yahay mid lagu maja-xaabinaayo Siyaasiyiinta qaar.
Odayaasha kasoo kala Jeeda Abgaal iyo Murusade ayaa waxa ay Howlgaladaasi ka keeneen 8-Su’aal oo lagu kashifaayo Barnaamijka Hub ka dhigista waxaana kamid ah:-
1- Suuragal ma tahay in Dowlada Federaalka ay Hub ka dhigis sameyso iyadoo aan xal laga gaarin Suuqa Cirtoogte ee Hubka lagu iibiyo.
2- Maxaa diiday in Dib u hishiisin & is cafin kadib la sameeyo Hub ka dhigis.
3-Maxaa sababay in Siyaasiyiinta Hubka laga dhigo, Halka Saraakiishii Maxaakiimta iyo Xisbul Islaam ay Muqdisho ku dhex wataan Hub ka farabadan kan Madaxda dalka lagu ilaaliyo.
4-Mala dhihi karaa DF waxa ay Hub ka dhigis ku sameysay shaqsiyaadka ka dhaliila Warbaahinta!!
5-Suuragal ma tahay in Falka Hub ka dhigista uusan lug ku laheyn Xassan Sheikh oo ay wataan shaqsiyaad aan Xilal ka heyn DF balse ah La-taliyayaal qarsoon.
6-Mala soctaan in Qoryihii Howlgalada lagu soo qabqabtay ay galeen gacanta shaqsiyaad laf dhabar u ah Dam-Jadiid.
7-Haddii AMISOM ay dib u gurasho ka sameysay Howlgalada Hub dhigista soo cadeyn uma aha inuu jiro shaki AMISOM ay ka muujisay inuusan xalaal aheyn Siyaasada Hubka lagu Uruurinaayo.
8-Ugu dambeyn Maxaa Howlgalada ku ekeeyay Laba beel oo kaliya!
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com