Xasan Sheekh oo Sanbaloolshe faray laba qodob oo halis ku ah ammaanka

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud uu xiligaani si dadban uga qeybqaadanaayo mugdi soo kala dhex gala Laamaha Ammaanka Dowlada Federaalka Somalia.

Warar hoose oo nasoo gaaray ayaa sheegaya in madaxweyne Xassan Sheekh uu Aggaasimaha xilka laga qaaday ee Hay’adda Nabadsugida qaranka Somalia ku amray laba qodob oo ah inuusan xilka wareejin, iyo inuu difaacdo xilkiisa.

Amarkaani ayaa la sheegayaa inuu bixiyay Madaxweyne Xassan oo isagu ka careysan xil ka qaadista uu Ra’isulwasaare C/weli ku sameeyay Aggaasimaha, waxaana laga yaaba inuu ka dhasho iska hor imaad dhex mara Ciidamada ammaanka iyo kuwa haminaaya in loo dhiibo xilka aggaasimaha laga qaaday.

Waxaa Villa Somalia xiligaani ka socda dadaalo lagu doonaayo in Madaxweyne Xassan looga dhaadhacsho ka tanaasulida  haddalkii ahaa inaan xilka laga qaadi Karin Aggaasimaha Hay’adda.

Dhanka kale, Labada qodob ee Difaacida xilka iyo iska caabinta uu madaxweyne Xasan ku amray Aggaasimaha ayaa waxaa dhaliil ka keenay Taliyayaasha iyo Saraakiisha laamaha ammaanka oo iyagu ka cabsanaaya inuu dhaco dagaal dhex mara laamaha ammaanka, maadama Sanbaloolshe lagu amray inuu ilaalsado xilkiisa.

Waxaa xun xiligaani xiriirka ka dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha, waxaana laga caabsi qabaa inuu dhaco mooshino labadaasi mid uu xilkiisa ku waayo.

Caasimada Omline

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com