Xaqiiqda Gobollada Dhexe iyo sida loo kala dego + Diidmada Puntland (Xog)

Hishiiskii taariikhiga ahaa oo 30/07/2014 kadhacay Aqalka Madaxtooyada Jamuuryadda Fadaraalka Somalia kaasoo nuxurkiisu iyo hadafkiisu ahaa in maamul loo wadajiro laguna mideysan yahay laga sameeyo ama loo sameeyo bulshaweynta degta Gobolada dhexe ee bartamaha dalka Somalia waa guul  usoo hoytay bulshaweynta kunool Gobolada dhexe. Hishiiskaas dhaxal-galkaa waxaa saxiixay madaxda sare ee dowladda fadaraalka Somalia, Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug iyo Maxda sare ee Ahlusunnah waljamaaca ee gobolada dhexe. Waxaa kaloo hishiiskaas goobjoog ka ahaa: Mr. Nickolas Kay oo ka wakiil ah QM, EU, AU, IGAD, iwm. Hishiiskaas himiladiisu tahay in lagu taabagaliyo(Central State of Somalia-ama dowladda bartamaha dalka Jamuuryadda Somalia) waamid waafaqsan nidaamka siyaasadeed ee dalka Somalia hadda kusocdo. Sida ay cadeysay dowladda Fadaraalku, hal maamul u sameynta gobolada dhexe waamid loomarayo wado nabadeed iyo iskaashi amuurtaas lagala yeesho bulshaweynta gobolada dhexe iyo madaxdooda waxayna ballan qaadeen in kooxaha saluugsan hishiiska lagaaray la qancin doono. Goobjoogka beesha Caalamka ee hishiiska lagaaray baa muujineysa muhiimadda ay leedahay in gobolada dhexe laga hirgaliyo maamul dowladeed oo ay ku mideysan yihiin bulshaweynta degta gobolada dhexe, si gobolada dhexe ee dalka Somalia loo gaarsiiyo horumar iyo ammaan buuxa islamarkaasna laga suuliyo fowdada kajirta sida burcad badeedka, seeflaboodnimada, iwm. Gobolada dhexe waxay dhacaan dhul istiraajig ah islamarkaasna muhiim u ah waxsoosaarka dalka Somalia.

Muxuu ka koobanyahay gobolka Mudug ?
 
Gobolka Mudug wuxuu ka kooban yahay :
Shan degmo oo kala ah: Gaalkacyo, Hobyo, Xarardheere, Galdogob iyo Jariiban. Dowladda Galmudug waxay xukuntaa oo ka talisaa afarta degmo oo hore marka laga reebo degmada Jariiban oo ay gacanta ku hayso maamul beeleedka Puntland. Sidaas awgeed, gobolka Mudug wuxuu hoos yimaadaa oo ka talisa dowladda Galmudug 99% dhul ahaan iyo shacab ahaanba. Beesha Majeerteen ee Cumar Maxamuud waxay Mudug ka degtaa wax ka yar 1% taasna waa xaqiiqda kajirta gobolka Mudug.
Buuqa iyo diidmada kasoo yeertay in maamul loo sameeyo Mudug iyo Galgaduud maamul beeleedka Puntland
 
Waxay ahayd arrin sharci daro ah oo ka dulboodsan nidaamka hannaanka dowladnimo ee dalka Somalia in maamul beeleedka Puntland ay muran iyo colaad ku goodin ka keenaan maamul dowladeed u sameynta gobolada dhexe oo ay dowladda fadaraalku ku dhawaaqday. Maamul beeleedka Puntland waxay arrintaas daraadeed xiriirka u jareen dowladda fadaraalkaa, waxayna ku goodiyeen dagaal haddii lagu dhaqaaqo in maamul dowladeed loo sameeyo Mudug iyo Galgaduud. Maamul beeleedka Puntland waxay ku doodayaan in ay iyagu ka taliyaan inta badan gobolka Mudug taasoo ah been cad iyo qar iska tuurnimo waali ah. Su’aasho waxaa weeye: haddii maamul beeleedka Puntland isku dayaan in ay ishortaag ku sameeyaan maamul loo sameeyo Mudug iyo Galgaduud- iyadu ma jireysaa soow xaalku ma noqon doono Hoogto Waa Halkeedii !!  Odoyga lagu magaacaabo C/Casiis Xaarin oo kasoo jeeda waqooyiga Gaalkacyo  baa ku goodiyay dagaal iyo balaayo dhacda mar uu wareysi siiyaySaxaafadda maamul beeleedka Puntland.  Oday Xaariin waxaan leeyahay: Xaajadu waxay ku roontahay nabad iyo walaaltinimo ee dulmiga aad wadid jooji adeer, dagaal iyo iscadaaweysi waa lasoo arkay cawaaqibkeeda ! Sidoo kale ninka lagu magacaabo Gaagaab oo asna kasoo jeeda waqooyiga Gaalkacyo baa ka sheekeeyay wax khiyaali ah oo ku saabsan nidaamka fadaraaliisimka wuxuuna hadalkiisu u badnaa isku dir iyo ayidaad go’aankii uu qaatay maamul beeleedka Puntland  oo ku aadanaa dowladda fadaraalka iyo maamul u sameynta gobolada dhexe.
Maamul beeleedka Puntland waa caqabadda nabad iyo horumar ka islaaxa Somalia
 
Maamul beeleedka Puntland waamid asagu isla quman ( self righteous) waxayna isku maaweeliyaan in ay dalka Somalia burburin karaan haddii aysan iyagu katalin, iyagoo dabcan u kaashanaya arrintaas cadowyo shisheeye sidii dhacday 2004-2009 kolkaasoo ay bartamaha iyo Koonfurta dalka Somalia kusoo hoggaamiyeen 70.000 kun oo ciidamo Xabashi ah iyo maleeshiyo reer Puntland ah kuwaasoo xasuug ba’an ka geystay bartamaha iyo Koonfurta dalka Somalia siiba magaalada Mogadishu. Waxaa la diiwaan galiyay in ciidamadii Xabashidu iyo maleeshiyadii reer Puntland ee dabadhilifka u ahayd ay xiligaas xasuuqeen dad kabadan 50.000 kun oo iskugu jiray caruur, haween, waayeel, waxgarad iwm. Waxay kaloo boobeen lacago iyo hanti lagu qiimeeyay $100 billion, hantida maguurtadaa oo ay burburiyeen waxaa lagu qiimeeyay $500 billion. Gaboodfalkii iyo saqiiro gowricii kadhacay bartamaha iyo Koonfurta Somalia 2004-2009 waxaa si toos ah oga masuul ah reer Puntland oo ku gabanayay magac dowlad kumeel gaar ah oo Soomaliyeed balse waxay u bedeleen aargoosayo qabiil oo qaawan. Waxaa caado u ah reer Puntland in aysan marna garwaaqsan
Waxay kaloo Puntland ku duushay oo si gardaraa oo ka baxsan nidaamka dowladda fadaraalkaa dhulka Jubbooyinka siiba magaalada Kismayo iyagoo kaashanaya ciidamada cadowga Kenya iyo kuwa maleeshiyada Ahmed Madoobe oo dabadhilifka u ah Kenya iyo Xabashida, waxaana halkaas kadhacay xasuuq iyo barakicin loo geystay beelaha asal ahaan dega dhulka Jubooyinka sida Gaaljecel, Cowramaleh, iwm. Maamul beeleedka Puntland waamid ku sifoobey sedbursi doon, dabadhilifnimo shisheeye iyo majaxaabin danaha guud ee ummadda Soomaaliyeed. Siyaasiyiinta reer Puntland iyo shacabkooduba waa kuwa aan marna garwaaqsan jariibooyinka, gaboodfalka iyo dulmiga ay had iyo goor u geystaan dadyowga ay cadowga u arkaan ee dalka Somalia. Maamul beeleedka Puntland waxay gooni u sameysteen calan qabiil waxayna kaligood dhuuqaan dhaqaalaha ballaaran oo kasoo xarooda dekedda Boosaaso iyo canshuuraha xoogleh oo ay qaadaan. Sidaas ooy tahay reer Puntland waxay qaataan oo ku gorgortamaan 50% dhaqaalaha iyo canshuurta kasoo baxda dekedda Muqdisho iwm. Waxay kaloo gacanta ku hayaan xilalka ugu muhiimsan dowladda fadaraalka Somalia dockasta.
Gunaanadkii
 
Maamul u sameynta gobolada dhexe waa lagamamaaraan waana inla taabagaliyaa sida ugu dhaqsa badan iyadoo magaalada madaxda laga dhigayo magaalo xeebeedka Hobyo oo ku taal meel stratiigic ah islamarkaasna hodan ah dockastoo laga fiiriyo. Diidmada iyo xasadnimada ay muujiyeen maamulka Puntland oo ku aadan in maamul loo wadajiro laga sameeyo gobolada dhexe waa in laga socdaa islamarkaasna tilaabo adag laga qaadaa dulmigooda sharci darada iyo daandaansiga ku salaysan. Samankan lajoogo waa wax aad u adag in hishiis wadareed lagaaro laakiin waa in dadka waxgaradkaa ee gobolada dhexe ay garwadeen ka noqdaan maamul u sameynta gobolada dhexe iyadoo dowladda fadaraalka looga baahan yahay oo kaliyah in ay gudato waajibaadka dastuuriga ah oo arrintaas oga aadan.
Waa muuqata in madaxda sare ee dowladda fadaraalkaa aysan isku maan iyo hadaf ahayn maamul ka sameynta dalka Somalia. Metelan R/W dowladda fadaraalkaa  uma muuqdo shaqsi daacad ka ah hawlaha uu u hayo qaranka Soomaaliyeed waxaana lagu eedeeyay in uu u xusulduubayo dano gaara ahaaneed oo straatijiyad qabiil iyo qabyaalad salka ku haysa, taasoo haddii ay run tahay aan loo duqaadan karin. Maamulo ku sheegga kajira Kismayo iyo maamulka saddexda gobol ee Bay iyo Bakool oo dowadda fadaraalku aqoonsatay waa sharci daro iyo dulmi qaran mana la aqbali karo, sidaasna nabad iyo cadaalad ogama hirgalayso dalka Somalia. Waxaa loo baahan yahay in dalka Somalia lagu soo celiyo gacanta ummadda Soomaaliyeed lagana xoroobo shisheeyaha dowladda fadaraalku ku tiirsan tahay.
Waxaa kaloo soo ifbaxday in maamul beeleedka Puntland ay doonayaan in ay dagaal lagalaan dowladda Galmudug si ay u fashiliyaan hadafka iyo himilada maamul u sameynta Gobolada dhexe oo hadda mareysa meel gabo gabo ah. Laakiin qorshaha, damaca iyo beenta maamul beeleedka Puntland ma guuleysan doono, dowladda Galmudug iyo shacabkeeduna waxay diyaar u yihiin in ay iska dhiciyaan oo ka hortagaan dulmiga fulaynimadaa oo daandaansiga iyo Soomaali isku dirkaa oo ay dhaqan ka dhigteen maamul beeleedka Puntland. Hadafka dhalanteedkaa ee maamul beeleedka Puntland wuxuu salka ku hayaa in aan (maamul, deked iyo garoon diyaaradeed iyo waliba mashaariic horumarineed oo dhan) aan laga hirgalin dhammaan deegaanada Galmudug iyo Gobolada dhexe si ay kaligood u noolaadaan oo u hodmaan !! Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (Wax rag kaa galay,waa wax rako kaa gallay). Wallee rag waa isku maqan yahay ee aanu ogaano halka xaajada gobolada dhexe ay cago dhigato !!
WQ: Khayre Elayow

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid