Dagaal ka dhacay dekadda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal u dhexeeyay Ciidamada Nabadsugida Qaranka Somalia iyo kuwa Booliska ayaa waxa uu ka dhacay Afafka hore ee Dekada Magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan islamarkaana leysu adeegsaday Hubka culculus, ayaa waxa uu ka bilowday kadib markii Ciidamo taabacsanaa Boliska ay Albaabka hore ee Dekada dhigteen Jidgooyo kana dhaga adeegen inay ka qaadan wadada Jidgooyada.

Shacabka ku nool agagaarka Dekada ayaa inoo xaqiijiyay in inta uu dagaalka socday ay arkayeen Askar ka kala tirsanaa Labada Ciidan oo dhimasho iyo dhaawacba soo kala gaaray, waxa ayna inoo sheegen in Dagaalka uu sidoo kale waxyeeleeyay dadka shacabka ahaa ee wadada isticmaalaayay.

Inta la xaqiijiyay Labo kamid ahaa Ciidamada Nabadsugida ayaa Dagaalka ku geeriyooday, halka Ciidamada Booliska uu dagaalka uga dhintay Hal askari iyo laba uu soo gaaray dhaawac culus.

Xaalada ayaa iminka degan waxaana agagaarka Dekada la soo dhoobay Ciidamo ka kala tirsan Nabadsugida, Boliska iyo Militeriga kuwaasi oo la Tilmaamay inay xaqiijinayaan Ammaanka guud ee Dekada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com