26.4 C
Mogadishu
Wednesday, June 11, 2025

Maxaa maanta haysta Uhuru Kenyatta?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hague (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shalay dalkiisa ka ambabaxay, si uu u tago dhageysiga dacwadda loo haysto ee ka dhacaysa magaalada The Hague ee dalka Holland, halkaas oo ay ku taallo Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC.

Mr. Kenyatta ayaa Talaadaduu shalay ahayd ah ka duulay magaalada Nairobi, waxaana maanta lagu qaadayaa dacwado la xiriira dambiyo ka dhan ah bani aadannimada.

Kiiska Kenyatta ee maanta furmaya, ayaa la filayaa inuu soo jiito dareenka warbaahinta caalamiga ah.

Waxa loo haystaa 5 dambi oo ka dhan ah bani’aadanimida, iyada oo la sheegay in uu kaalin ka geystay abaabulka gacan ka hadal daran oo dhacay ka dib doorashadii dalka Kenya ee sanadkii 2008-dii, oo dad badan lagu dilay.

Inta Mr. Kenyatta uu maqan yahay, waxa xilka madaxweynenimo sii heyn doona kuxigeenkiisa William Ruto.

Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC ayaa Mr. Rutu-na ku eedeysay dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada, kuwaas oo la xiriira gacan ka hadalkii sanadkii 2008-dii. Maxkamadiisa oo bilaabatay sanad ka hor ayaa Mr. Ruto uu diiday dhamaan eedihii loo jeediyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News