25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Turkiga oo ka farxiyay Dowladda Xasan Sh. (Maxay ku dhowaaqday maanta?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay Dowlada Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay in dib loo bilaabay dhaqaalaha ay siin jirtay Dowlada Federaalka Somnalia, oo aan la bixin 10 bilood.

Warkaani ayaa waxaa sheegay Danjiraha Dalka Turkiga u fadhiyo Somalia, waxa uuna ballan qaaday in Dowladiisu ay xoojin doonto Siyaasada Somalia islamarkaana ay dib usoo celisay Bishan October dhaqaalaha ay bixin jirtay oo ahaa mid lagu kobcinaayo Dalka.

Dowlada Turkiga ayaa waxa ay bixineysaa Lacago dhan $45 Million, waxaana la Tilmaamayaa inay noqon doonto 10 Bilood lacagtooda, sida uu sheegay danjiraha.

Lacagta ayaa ah mid aruurtay 10 bilood, oo Turkiga uusan wax kaash ah siinin dowladda federaalka Somalia. Turkiga ayaa Dowladda Somalia sin jiray 4.5 milyan oo dollar, bil walba.

Dowlada Turkiga ayaa inta badan bixisa dhaqaalaha iyo Mashaariicda ugu badan, iyadoona DFS ka taageerto dhanka Ciidamada, Hormarka iyo la dagaalanka Argagixisada.

Dhanka kale, Fasixida lacagahaasi ayaa waxaa soo dhaweeyay DF oo iyagu inta badan sheegta in lagu leeyahay dhaqaalo badan, waxa ayna arrintaani taabagalineysaa xiriirka labada dal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News