27.1 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Qorshe ay ku kulmi lahaayeen GAAS & Qeybdiid oo fashilmay iyo Xasan oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Abu-Dhabi (Caasimada Online) – Madaxda sare ee Soomaalida ayaa ka qayb-gashay shir looga hadlay arrimaha burcad badeeda oo lugu qabtay magaalada Dubai, balse ka qayb-galka shirka waxaa garab socday kulamo lugu doonayay inay isku arkaan mas’uuliyinta Soomaalida.

Sarkaal sare oo ka mid ah mas’uuliyinta Soomaalida ee shirka ka qayb-galay ayaa sheegay in qorshe ay ku kulmi lahaayeen madaxweynaha Puntland iyo kan Galmudug inuu fashil ku yimid.

xasan iyo qeybdiidQorshahan lagu kulan siin lahaa labada madaxweyne waxaa waday siyaasiyiin caan ah inkastoo aan la carabaabin, waxaana wararku ay sheegayaan in Qeybdiid uu ka cudur daartay kulankaasi.

Ma jirto cid si faah faahsan ugu hadashay sababta uu Qeybdiid uu u diiday la kulanka Gaas, balse dhawaan ayay ahayd markii uu khilaf soo kala dhex-galay labada dhinac kaas oo ka billowday garoomo diyaaraded oo Gaalkacyo ku yaalla.

Dad ku sugan magaalada Abu Dhabi ayaa sheegay in markii qorshahaasi uu meesha ka baxay kulan gaar ah ay qaateen madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii ka socday Galmudug oo uu ugu horeeyay Jen. Qaybdiid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News