R/W Cabdi Weli oo shaaciyey halka iyo dalalka xalinaya khilaafka madaxda DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in khilaafka kala dhexeeya madaxweynaha ay xallinayaan wadamada deriska ah, gaar ahaan Ethiopia iyo Kenya, laguna xalin doono Nairobi ama Addis-Ababa.

“Dalalka aan dariska nahay ee Ethiopia iyo Kenya waxa ay diyaar u yihiin in ay nagala qeyb qaataan xalinta khilaafaadka hada taagan, sidoo kalena beesha caalamka ayaa dadaal adag ugu jirta sidii xal waara loo gaari lahaa” ayuu yiri Cabdi Weli.

Cabdi Weli oo farriin soo dhigay bartiisa Facebook, Waxa uu intaas ku daray inay rajeeynayaan in maalmaha soo socdo xal la gaari doono, lagana gudbi doono khilaafka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa muujiyay dhankiisa in uu u jajabanyahay in xal laga gaaro, kadib markii madaxweynaha uu ku gacan seeray isku-shaandheyn uu Cabdi Weli ku sammeeyey golaha wasiirada.

Khilaafka labada dhinac ayaa yimid ka gadaal markii ra’iisul wasaaruhu adeegsaday awoodo madaxweynaha ka careysiiyay, sida inuu xilka ka bedelay Faarax C/qaadir iyo in uu shir ka dhacay Garoowe ku ogolaaday in la kala qeybiyo gobolka Mudug, oo qeyb loo gacan geliyo Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com