Sawirro: Gen. Maxamed oo Muqdisho lagu aasay kadib baaritaankii Nairobi

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa ka qeyb galay Aas Qaran oo gelinkii danbe ee maanta loogu sameeyay Dugsiga tababarada Ciidanka Booliska ee General Kaahiye, Taliyihii Ciidammada Booliska Soomaaliyeed S/G Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo oo maalintii khamiista ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Saraakiisha Ciidamadda dalka, Siyaasiyiin, iyo dadweyne kale ayaa wadajir marxuumka ugu tukaday Salaadda Jannaasada, waxana ay dhammaantood alle uga baryeen in uu jannaadiisa ka waraabiyo ehelladiisa iyo ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan uu ka siiyo.

General Maxamed, ayaa maanta meydkiisa dib loogu soo celiyey Muqdisho, kadib markii baaritaan lagula sameeyey Nairobi, uu caddeeyey inaan la sumeyn oo uu wadno xanuun u geeriyooday.

mad1mad2mad5mad6