Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Axmed “Al-Ansaari” oo kamid ah Saraakiisha Maamulka Ahlusunna wal-jameeca ee Gobolka Gedo, ayaa waxa uu sheegay in Gedo ay halis ugu jirto inuu ka dhaco Dagaal uu dhiig badan ku daato.
Waxa uu tilmaamay in Gudoomiyaha Gobolka uu dhaqaale adag kusoo qaatay in Maamulka Gedo la burburiyo, islamarkaana lagu biiriyo Maamulka KMG Jubba.
Waxa uu sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Gedo uu Taageersan yahay Maamulka KMG ah ee Jubba, islamarkaana uu wado qorsho ay uga kamid noqonayaan Maamulka Jubba, halka ku-xigeenadiisuna ay arrinkaasi ka soo horjeedaan.
Al-ansaari oo arrinkaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Waa suuragal in goor waliba uu dhaco dagaal u dhexeeya Maamulka Gedo, waayo Gudoomiyaha waxa uu doonayaa in Gedo la hoos geeyo Axmed Madoobe taasina maaha mid suuragal ah”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri “Dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaa looga fadhiyaa inay qaraar kasoo saarto kala jabka ku imaaday Maamulka Gedo ka hor inta uusan dhiig ku daadan”
Hadalka Al-ansaari ayaa waxa uu imaanayaa xili ay kulamo gaar ah wada qaaten Gudoomiyayaasha Gedo iyo Jubba kaasi oo ay uga arinsanayeen midowga labada Maamul, inkastoo kulankaasi uu sababay kala jabka Maamulka Gedo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

