32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Maxaa xiga safarka Xasan Sh ee Addis: Calaamado muujinaya in R/W C/Weli…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ku tagay magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya ayaa ah mid madaxda wadamada urur goboleedka IGAD uga hadlayaan arimaha dalka South Sudan, eeg Link-gan http://www.statehouse.go.ug/media/news/2014/11/06/president-museveni-arrives-addis-igad-meeting. Shirkaan ayaa IGAD qorsheysay inuu magaalada Addis Ababa ka dhaco 6-da ilaa 7-da bisha November 2014 si ay go’aano uga gaaraan sidii loo fulin lahaa heshiisyo hore u wada saxiixdeen madaxweynaha Koofurta Suudaan Salva Kiir iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koofurta Sudan hadana ah hogaamiyaha mucaaradka Dr Riek Machar oo dagaal kala soo horjeeda Dawladda Koofurta Sudan.

Shirkaan inta uu socdo iyo marka uu dhamaadaba ayaa la filayaa in madaxda wadamada IGAD sidoo kale ka wada hadlaan khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Xalinta khilaafkaan ayaan la fileyn in madaxda wadamada IGAD ka istaagaan mawqifka uu qaatay UN-ka iyo Midawga Yurub oo ah in madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya heshiiyaan oo wada shaqeeyaan. Madaxda IGAD ayaa isku khilaafsan xalinta Koofurta Sudan balse go’aansaday in khilaafkooda hoos u dhigaan, kuna xaliyaan gudaha IGAD , Afarta wadan oo IGAD oo danaha ka leh Koofurta Suudaan ayaa si hoose ugu kala qeybsanaa Uganda iyo Kenya oo taageersan Madaxweynaha Dawlada South Sudan Salva Kiir, Halka dawladaha Itoobiya iyo Sudan si hoose u taageersan yihiin hogaamiyaha Mucaaradka South Sudan Dr Riek Machar.

Madaxda Midawga Afrika AU iyo dawladaha IGAD-ba ayaan jecleysaneynin gebi ahaanba qoraalada kasoo baxay wakiilada UNSOM iyo EU Somalia Mr Nicholas Kay iyo Mr Michele Cervone D’urso, hadaladaas oo ku noqonaya midawga Afrika iyo IGAD-ba u yeerin reer galbeedku u yeerinayaan waxa ay ka yeelayaan xalka khilaafka Soomaaliya oo kamid ah Afrika oo weliba ay joogaan ciidanka afrika ee AMISOM.

Saraakiil aad ugu dhow hawlgalka AMISOM Somalia ayaa sheegay inkastoo UN-ka iyo EU-du bixiyaan dhaqaalaha Hawlgalka AMISOM, haddana in Xafiisyada UNSOM iyo EU Somalia ku fududaadeen war saxaafadeedyada ay kasoo saareen khilaafka Madaxda Dawladda Somalia. Madaxda IGAD iyo AU oo ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa doonaya Somalia oo wadan Afrikaan ah, joogaana ciidamada AMISOM in xalinta ama ka hadalka khilaafka madaxda Soomaalida looga danbeeyo midawga afrika iyo IGAD.

Calaamadaha aamusnaanta ee IGAD iyo AU ayaa muujinaya in dawladaha Afrikaanka xalka khilaafka madaxda Soomaalida u daayeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana khuburada dhanka siyaasadda geeska Afrika sheegayaan in Xukuumada R/W Cabdi Weli dhici doonto maalmaha soo socda. Wadamada IGAD gaar ahaan wadamada daneeya Soomaaliya Madaxweyne Xasan Sheekh usoo dhiibi doonaan magacyada siyaasiyiin ay doonayaan in lagu bedelo Ra’iisul Wasaare Cabdi Weli. Siyaasiyiintaas ayaa la saadaalinayaa inay kamid yihiin Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane iyo Wasiirkii hore ee Dastuurka Cabdiraxman Xoosh Jibriil. Xukuumada Cabdi Weli oo la rido ayaan waxba ka bedeleyn xaalada dalka iyo dadka Soomaaliyeed ku sugan yihiin. Khilaaf kasta oo dhex mara madaxweynaha iyo R/W Soomaaliya wuxuu sii laciifinayaa dawladda taagta daran ee Soomaaliya.

Madaxda AU ayaa sanidihii la soo dhaafay hal kudhig ka dhigtay oraahda ah “dhibaatooyinka afrika in lagu xaliyo xal afrikaan” (African solutions for African problems), inkastoo halku dhigaan soo kordhiyey Afrikaan ilaa xad cod leh haddana Somaliya kama shaqeyn oo waxaa ka xoog badiyey shaki iyo kalsooni daro wadamada darisku ka qabaan Somalia iyaga oo xasuusan dagaalo Soomaaliya la gashay wadamada deriska iyo xiriirka wadamada xuduudaha la leh oo aan wanaagsaneyn, wadamadaani ma doonayaan xiligaan Somaliya oo kusoo noqota sidii ay aheyd 1991-dii ka hor iyaga oo ka baqaya Soomaali sheegata Gobolada Soomaalidu degto ee dalalka deriska, dawlad Soomaali oo la gasha dagaal, dawlad Soomaaliyeed oo kusoo hubeysa mucaaradyada ku kacsan dalalka deriska ama saldhig siisa.

Inkasta oo danaha reer Galbeedka ee Somalia iyo danaha Midawga Afrika (AU) oo Somalia IGAD uga danbeeya ka leeyihiin aysan kala bedelneyn wax badan maadaama labada kooxoodba xiligaan dooneyn Somaliya mid ah, awood leh, dib ugu soo noqota wadamada caalamka, haddana reer Galbeedka iyo Afrika isku dan kama ahan Soomaaliya oo wax walba iskuma raacayaan.

Qadiyadaha Midawga Afrika iyo reer Galbeedku isku khilaafeen waxaa ka mid ah:-
1- Xiriirka wadamo badan Afrikaan ah la yeesheen China iyaga oo dhegaha ka fureystay Galbeedka
2- Sida loo maareyn lahaa arrimaha Simbabwe oo reer Galbeedka iyo AU isku fikir ka aheyn.
3- Sida loo maareynayo khilaafka South Sudan oo IGAD dooneyso African solution.
4- Go’aankii Maxkamada ICC ee ah in la qabto Madaxweynaha Sudan Gen. Bashiir oo AU diideen.
5- AU oo Maxkamadeynta Madaxweynaha Kenya iyo Ku xigeenkiisa aad uga soo horjeestay
6- Doorashadii Madaxtinimada Kenya oo Afrikanku taageeren Uhuru Kenyata halka reer Galbedku taagersnaayeen Raila Odinga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News